Maamulkii hore ee degaanku Warbaahinta wuu laaluushi jiray si loo qariyo xogta degaanka”Madaxweyne Cagjar.

0
198

“Maamulkii hore ee degaanku Warbaahinta wuu laaluushi jiray si loo qariyo xogta degaanka”Madaxweyne Cagjar.

Jigjiga – Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo ka hadlayay qiimaynta xafiisyada heer degaan oo maalmahan ka socotay Jigjiga, ayaa soo hadal qaaday arrinta Warbaahinta oo uu sheegay in maamulkii isaga ka horreeyay ay laaluush ku bixin jireen sidii loo qarin dhibaatooyinkii kala duwanaa ee ka jiray degaanka Soomaalida

Waxaanu yidhi.”Degaankan isagoo dad lagu laayo oo balaayo ka socoto, idaacadaha geeska Africa ee Soomaaliga ku hadla degaankan wuu laaluushi jiray, BBC-da wuu laaluushi jiray VOA-da wuu laaluushi jiray, Telefishinada qaar waa laga cabsiin jiray, sidaas darteed ama wax fiican bay ka hadli jireen ama mayna hadli jirin”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in maanta aanay jirin dowlad u hanjabta Warbaahinta oo laaluush siisa, balse waxa uu hadalkiisa sii raaciyay inay jiraan kuwo ku fikiraya in haddii dowladda wax laga sheego ay dowladdu afka qabanayso ciddii wax ka sheegtay ama ay laaluush siinayso, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwaynuhu.

Waxa kale oo Madaxweynuhu sheegay in Warbaahin la laaluusho ay dhibaato u keenayso bulshada, maadaama ay Warbaahintii la laaluushay ay qarinayso dhibkii shacabka loogaystay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in la saxo Warbaahinta oo khaladaadkooda loo sheego lalana xisaabtamo, si ay usoo baxaan Warbaahin xor ah oo wanaagsan damiirna leh oo bari ka maalin haddii xukuumaddan hadda jirta dadka layso oo ay dhibaatayso laaluush aan qaadanayn, dhibka jirana aan qarin, waa siduu hadalka u dhigay Madaxwayne Mustafe cagjar.

Ugu dambayn Madaxweyne Mustafe cagjar waxa uu farriin u diray dadka ka shaqeeya Warbaahinta kala duwan ee degaanka iyo dibaddiisa ka howlgasha, isagoo sheegay in qofka Saxaafadda ka shaqeeya looga baahan yahay inuu yeesho anshixii saxaafaddu lahayd ee lagu yaqaanay.

Isku soowada duuboo, wixii ka dambeeyay isbaddalkii degaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya ka hana qaaday, waxaa jiray isbaddalo waa wayn oo dhinacyo badan ka jiray, sida Saxaafadda oo aanay horey u jirin Warbaahin si madax banaan degaanka uga hawlgasha, iyadoo hadda ay degaanka ka howlgalaan Warbaahino kala duwan oo madax banaan, xogaha degaankana siday tahay usoo gudbiya, inkastoo meelaha qaar ay wali dhaliilo ka jiri karaan.