Beesha Habarjeclo oo go’aan ka gaadhay Martiqaadkii madaxweynuhu u diray.

0
173

 

Madaxdhaqameedkii shalay la kulmay Wasiirada beesha Habarjeclo ee Wasiiradu u sheegen inay ka soo tashanayaan kulan casuumad ah oo Madaxweynaha Somaliland u soo diray ayaa caawa ka shiray martiqaadkaasi.

Madaxdhaqameedka ayaa ku kala qayb samay aqbaalada martiqaadka madaxweynaha sida ila xog ogaal ahi ii xaqiijiyeen gour dhawayd markii kulankaasi soo dhamaaday.

Suldaan Maxamuud Guuleed oo ah wakiilka suldaanka guud ee beelaha Habarjeclo oo shir gudoominayay shirkan caawa ayaa markii la isku khilaafay kulanka Madaxweynaha go’aamiyay in sidaasi kagu baajiyo, Madaxdhaqameedka Beesha habarjelana ay ka baaqato kulanka Madaxweynuhu ka dalbaday.

Sawirkan hoose waa sawirkii martiqaadka shalay ee Wasiirada.