Wasiirka Gaadiidka Itoobiya iyo wefti ay hogaaminaysso Oo Socdaal ku yimi Somaliland

0
162

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee dalka Itoobiya marwo Degmawit Moges iyo wefti ay hoggaaminayso, ayaa safar ku yimi caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa gelinkii dambe ee maanta.
Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya iyo weftigeeda waxa Madaarka Cigaal International Airport ee Hargeysa si diirran ugu soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda.

Weftiga Wasiir Degmawit oo ay xubo ka yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan masuuliyiinta xukuumadda Somaliland.