Xogo Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Siyaasiyiinta Xidhan

0
274

#Update

Deg deg

Xog Cusub oo Muhiima Oo Ka Soo Korodhay Xubnihii Siyaasiyiinta Mucaaridka Laga Xidhay oo Saaka Oogii Waabari Xukuumaddu Saldhiga Dhexe Kala Baxday

Xubnihii Masuuliyiinta ahaa ee 2da Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCId ka tirsanaa ee shalay khamiistii ay Xabsiga ku gurtay Xukuumadda Somaliland ‘ ayaa saaka sida ay Xogo hor dhac ahi sheegayaan waxa Abaaro 5:00 Subaxnimo looks Qaaday Saldhiga Dhexe Jeelka Wayn ee Caasimadda Hargeysa.

Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hada xaqiijinaaya goobta loo wareejiyey Saraakiishaasi Mucaaridka Axsaabta Mucaaridka ee UCID iyo Waddani ka tirsanaa balse Dowladda u Xidhan ‘ balse sida Eheladda Ragaasi Xidhan oo Xalay ku ohaa in kasta oo inay Arkaan loo diiday inay ku xidhnaayeen Saldhiga Dhexe ee Hargeysa waxa Saaka markii ay tegeen Eheladaasi waxa loo sheegay inay Dowladdu Xabsi kale Saaka waabarigii hore u wareejisay oo halkaasi laga saaray.

Waxaana xoguhu inta ku darayaan inay suuro gal tahay in Jeelka Madheera toos ay Xukuumadda Somaliland ugu gudbisay Soyaasiyiintan Axsaabta Mucaaridka ee Xidhan oo Eheladoodu markii ay Saldhiga dhexe oo ay ku ogaayeen ka waayeen ay xata Jeelka Wayn tegeen balse loo sheegay in aan la keenin ama aanay ku xidhnayn ragaasi.

Ugu dambayn waxa xoguhu sheegayaan in hal siyaasi oo isagu Xanuunsanaaya oo radii Xisbiyadda Mucaaridka ka tirsanaa ee la xidhay lagu reebay Saldhiga dhexe ee Hargeysa maadaama oo aanay Xaaladda Caafimaad ee Siyaasigani oo ay dhuwdahay in uu yahay Guddoomiye ku Xigeenka Xisbiga Waddani md Axmed Cumar Cabdilaahi Xamarji aanay wanaagsanayn Xaaladiisa Caafimaad taasina ay sabbath in laga reebay in la raaciyo Xubnaha Mucaaridka ee Saaka loo dhaadhiciyey Jeelka Wayn ama Jeelka Madheera midkood.

Tirada iyo Magacyada Siyaasiyiinta Xisbiyadda Mucaaridka ka xidhnaaye Saaka oo Jimce ah Salaadii hore laga la baxay Saldhiga dhexe ee Hargeysa.

1-Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsan Saraakiisha Xisbiga Waddani.

2- Xoghayaha Arimaha Guddaha ee Xisbiga Waddani Maxamed Faarax Cabdi

3-Guddoomiyaha Abaabulka & Wacyigelinta Maroodi Jeex ee X. Waddani Cabdiraxmaan Maxamed (Cabdi Six).

4-Xoghayaha Gobolka Maroodi Jeex ee X. Waddani Mawliid Muuse Dacar

5-Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex ee X. Waddani Mawleed Kayse Muxumed.

6-Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi.

ADMin Yuusuf Keyse Page