Dawladda Itoobiya Oo lumisay saamigii ay ku lahayd Dekedda Berbera

0
240

Dawladda Itoobiya ayaa lumisay saamigii ay ku lahayd Dekedda Berbera ee Somaliland, kadib markii ay buuxin wayday shuruudihii saamiga ee looga baahnaa. Sida uu warbaahinta dalka Itoobiya u sheegay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

Itoobiya ayaa saami dhan 19% ku lahayd Marsada Berbera, halka DP World ay ku lahayd 51%, sidoo kalana dawladda Somaliland ayaa leh saami dhan 30%.

Hase ahaatee, Itoobiya haatan wax saami ah kuma laha dekedda Berbera.