AKHRI- Iyaba Waa Nasiibe Masiirka Somaliland Wuxuu Saaka U Marti Yahay Faysal Cali Waraabe

0
411

Iyaba Waa Nasiibe Masiirka Somaliland Wuxuu Saaka U Marti Yahay Faysal Cali Waraabe

In kasta oo ay haldoor iyo halyeeyo badani soo mareen haddana adduunku waa silsilade waxa saaka saxadda Siyaasadda Somaliland ku jira saddex Xisbi Qaran . Markii kobaad tariikh 30-sanno ka badan waxa laga wabinaya halkay u socoto Somaliland, Golaha Guurtida oo 30-sanno fadhiya, Golaha Wakiilada oo 15-maraaya, Golaha Degaaanada oo xeer iyo xisaab la’aan Xilalka ku haya, Jabhado, dhaqaalaha oo dhulka galay iyo murano siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn ayay Somaliland wajahday.

Halkay arrintu hadda taagan tahay oo ah qir iyo qir ku saabsan xaaladda Koomiishanka Doorashooyinka, waxay shacabka Somaliland isha ku hayaan mawqifka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo miisaan siyasadeed u noqonaaya umuurtan laysku mari layahay . Qodobo 4-ah ayuu Faysal Cali Waraabe maanta haysta…

1.. Faysal Cali Waraabe wuxuu maanta qaban kara oo sixi kara xulista guddida doorashooyinka khaladka ku yimi. Isagoo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka qaban kara gardaradda uu kaga baxay heshiiskii Saddexda Xisbi kaas oo aha “In aan la soo celin Xubnihii hore ee Doorashooyinka iyo in aan la soo xulin Xubno Xisbiyahano ah. Ruuxa qudha ee khaladkaas gudaha Madaxtooyada ka joojin kara Caawa waa Faysal Cali Waraabe.

  1. Nasiibkiisa Faysal Cali Waraabe isagoo muddo dheer ku soo jiray saxadda siyaasadda wuxuu jaaniskani noqonaya mid uun amma sugo amma surmo seegto ku dhaafta.

  2. Faysal Cali Waraabe waxay bulshadu maanta is waydiinaysa ma hoos ka tuurkii ka dhaxeeyay saxiibkii Cabdiraxmaan Cirro ee dhanka Siyaasadda ayuu eegidoona mise Afarta milyan ee rer Somaliland ayuu eegidoona si uu Madaxweynaha kuga qabto khaladka siyaasiga ah ee uu dhexda ugu jiro.

  3. Faysal Cali Waraabe haddii uu maanta qaato doorka samo bixinta Dimuquraadiyadda Somaliland oo ay ugu wayntahay in Madaxweyne Muuse Biixi laga soo dabaalo geerka kaligii taliska ah ee uu hadda gashaday waxay u noqon doonta tariikh kamid ah mahadhooyinka siyaasadeed oo dhanka wanaagsan u gasha isaga.

Haddaba inuu seego iyo inuu sugo waa inoo saadanbe .
Tusan.

Muniir Axmed Cigaal .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here