DEG DEG Madaxweyneyaasha Somalia Iyo Kenya Oo Gaadhay Heshiis Gaadhay Iyo Mowqifka Khilaafka badda oo ay isla meel dhigeen

0
508

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru  Kenyatta ayaa wada hadallo ay Nairobi ku yeesheen goor dhow ku gaaray heshiis diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo cilaaqaadkii labada dowladood.

Warkan oo lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay ayaa wax-yaabaha ay ku heshiiyeen labada madaxweyne lagu sheegay :-

1. In xiriirka labada dal lagu soo celiyo si caadi ah, iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dalna la xoojiyo.
2. In Duulimaadka tooska ah ee Miqdisho iyo Kenya lagu soo celiyo toos (Wajeer aan la soo marin) muddo toddobaad ah.
3. In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)

Laakiin madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in qoddobadan iyo wadahadallada uu la yeeshay madaxweynaha Kenya marnaba saameyn ku yeelan doonin kiiska Badda ee horyaala Maxkamadda ICJ ee dacwadda hadda.

https://youtu.be/cqOAW36hnJM

Xigasho hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here