Ciidamada Puntland iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari

0
457

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Ururka Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Dagaalkan ayaa dhacay kaddib markii xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar loo adeegsaday qoriga hoobiyaha ku qaadeen saldhig ciidanka Puntland at ku leeyihiin deegaanka  Af-urur ee gobolka Bari halkaas oo laga maqlay rasaas xoog leh oo  dhinacyadu Isku adeegsadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland ayaa shaacay in dagaalka labada dhinac oo socda ku dhawaad hal saac uu khasaare ka soo gaaray dagaalyahannada Al-shabaab, inkastoo dhinaca kale warar soo baxaya sheegayaa in ay jiraan ciidamo ka tirsan Puntland oo dagaalka ku dhintay.\

Deegaanka Af -Urur oo ka tirsan gobolka Bari ayaa ka mid ah meelaha ay ku xooggan yihiin Ururka Al-shabaab ee dagaalama deegaannada Puntland, waxaana dhowr jeer oo hore deegaanka ka dhacay iska horimaadyo khasaare sababay.

Xigasho hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here