“Hadii Ganacsatadii Doontu Dhowaan Ka Degtay caymiska ku Jiri Lahayd Magdhow ayay naga Heli Lahayd “ Shirkada Caymiska ee SOMTAKAFUL.

0
394

Hargaysa(Somalilandrise) Shirkada Somtakaful Insurance Oo Carwadii Baananka hargaysa Kusoo bandhigtay Adeegyada Ay Bulshada u Qabato

Shirkada caymiska Somaliland ee SOMTAKAFUL ayaa Maanta Waxaa Ay carwadii ganacsi ee baananka Somaliland kusoo bandhigeen Adeegyada Ay Dadka iyo Shacabka Tirada badan ee Ku Xidhan u Qabtaan iyagoo sidoo kalena fariin u Diray Cid kasta oo Bilaa caymis Badaha Ku marta waxaana Ay tusaale usoo Qaateen Ganacsato Soomaaliyeed oo dhowaan Doon Shixnad siday kaga Degtay badda Cas Waxaana halkaasi ka hadlay Masuul ku hadlaayay Afka Shirkadaasi waxaana uu hadalkiisa ku Bilaabay Sidan.

“Shirkada Somtakaful Insurance Waa Shirkad caymis Oo islaami Ah isla markaana Waafaqsan Shareecada Islaamiga ah,Shirkada Somtakaful Insurance waa shirkadii ugu Horeysay ee Baanka Dhexe ee Somaliland uu Liisan Siiyo,Shirkadu waxay Shaqaynaysay mudo 5 Sanadood Ah,Waxay Qabataa oo Bulshada Siisaa Adeegyo kala Duwan oo Caymis ah,Shirkadu Adeegyada Caymiska ah ee Ay bulshada Somaliland kala Qayb gashay carwadan Ganacsi ee Baananka Somaliland isla markaana Aanu halkan kusoo bandhigayno bulshada Sharafta lehna aan u Qabano waxaa Ka mid ah Adeega Caymiska Badeecadaha badda mara,Adeega caymiska Caafimaadka,Adeega Caymiska Shilalka gaadiidka,Adeega caymiska Shilalka guud iyo Adeega caymiska ee badeecadaha Iskaga Gudba Gobolka ” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Shirkada Somtakaful .

Masuulkan ku hadlaayay magaca Shirkada caymiska Ee Somtakaful oo hadalkiisa sii Wata Ayaa Faahfaahiyay Goobaha Iyo Xarumaha shirkadani Ka Hawlgasho mudadii Shanta Sanadood ahayd ee Ay jirtay Waxaana uu Yidhi.

” Shirkada caymiska ah ee Somtakaful Waxay ka hawlgashaa Dhamaanba gobolka Geeska Afrika oo ay xarumo ku leedahay,waxaana adeegeeda Laga Isticmaalaa in ka badan 100 Wadan,shirkadu waxay xidhiidh la leedahay shirkadaha Caymiska Islaamiga ah ee Dunida,Shirkada Somtakaful Waa shirkad caymis oo Ay leeyihiin 100% Muwaadiniin u dhashay Dalkeena Somaliland,waxaana aan ku faraxsanahay inaan manta kala qayb galno Carwadani isla markaana aanu si rasmi ah usoo bandhigno dhamaanba adeegyada kala Duwan ee aad halkan ku arkaysaan ” Ayuu yidhi Masuulka Shirkada caymiska ee Somtakaful.

Masuulkan ku hadlaayay Magaca Shirkada Somtakaful waxaa uu Intaasi ku Daray isla markaana halkaasi uu dhiirigelin Uga Diray Dhamaanba macaamiisha Shirkadan caymis ee SOMTAKAFUL Waxaana uu hadalkiisa Markale ku Bilaabay

“Waxaanu macaamiishayada Ku dhiirigelinaynaa khaasatan ganacsatada badeecadaha Badda mariya Taasi oo na Xasuusinaysa masiibadii ku dhacday ganacsatadii Dhowaan Ay Doontu Ka Degtay muhiimada Ay leedahay in caymis La Qaato,Waayo Maantoo kale Waxay heli Lahaayeen ganacsatadaasi Magdhow “Ayuu kusoo Afmeeray hadalkiisa.

 

Muuqaalka hoos ka Daawo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here