Maareeyaha Shirkada Caymiska ee Takaful oo Hargaysa kusoo bandhigay  Adeegyada Ay Bulshada u Qabtaan

0
425

Maareeyaha Shirkada Caymiska ee Takaful oo Hargaysa kusoo bandhigay  Adeegyada Ay Bulshada u Qabtaan

Hargaysa(Somalilandrise) Magaalada hargaysa waxaa si rasmi ah looga Furay Carwo balaadhan oo loogu talogalay baananka Somaliland Waxaana kazoo qaybgalay Shirkado,baanan Iyo Ganacsato Ku nool Somaliland

Wasaarada maaliyada iyo Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa soo Qaban Qaabiyay Waxana Si Weyn manta carwadaasi uga Dhex Muuqatay Shirkada Caymiska ee TAKAFUL INSURANCE oo kusoo bandhigtay halkaasi Adeegyada kala Duwan ee Ay Diyaarka ula yihiin Shacabka Somaliland iyo Dadweynaha Dunidaba maadaama ay Shirkadani oo Islaami ah Ka Shaqayso Wadamo Kala Duwan oo Dunida Ku kala yaala.

Maareeyaha guud ee shirkada TAKAFUL Cumar Xaashi Xuseen oo Ku magic Dheer Cumar Xaashi Ayaa ugu horeyn Halkaasi ka hadlay Waxaana uu ka Sheekeeyey Sida hagar La’aanta ah ee ay ugu Shaqeeyaan bulshada isagoo Intaasi raaciyay Inay Door Weyn ka Qaadanayaan Shaqo Abuurka waxaana uu Yidhi.

“ Shirkada Takaful waa Shirkada Ugu Weyn oo Shacabka Somaliland 90% Ay ku xidhan yihiin,Waxaana Ka mid ah Adeegyada Aanu Bixino Caymiska Caafimaadka,Caymiska Gaadiidka,Caymiska Socdaalka,Caymiska Alaabaha Rarka Dibada La Halmaala,Caymiska Maalgelinta,Dhamaana waxaanu la shaqaynaa Hayadaha Kala Duwan ee Dalka Haday tahay kuwa Dawlada Iyo haday tahay kuwa gaarka loo leeyahayba,Waxaanan Aad iyo aad Ugu faraxsanahay inaan ka mid noqono Dadka sida Dhow ula shaqeeya Warbaahinta Somaliland,Dadkuna Waxay Dhahaan Saxaafada Miyaad Dadka uga dhowdahay waxaanan ku Idhaahdaa ugama Dhowiye Waan Ka Jecelahay,Dadka kale Waan uga Dhowahay waxaana aan jecelahay in Saxaafada iyo Shirkaduhu Ay Wada koraan “

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here