Muuqaal: Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Xisbiga Mucaaridka Ee Waddani Ugu Taag Waayeen In Isfaham Lagu Dhameeyo Khilaafkii U Dhexeeyey

0
383

Wasiirka Arimaha Guddaha ee Somaliland md Maxamed Kaahin Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay Xisbiyadda UCID iyo Kulmiye ku galeen maanta Hargeysa, heshiiskaasi oo Xisbiga Mucaaridka ee Waddani aanu qayb ka ahayn oo cadho kaga maqan yahay nuxurkiisunaha yahay heshiis ay ku wada galeen labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID inay iyagu qabtaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka Somaliland isla markaana Guddi cusub oo 7-ba Xubnooda oo noqda guddida doorashooyinka qaranka ee cusub marka la gaado Bisha 8/2019-ka in la soo magacaabo.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo hadal dheer ka jeediyey isla markaana su’aalo ay saxaafaddu ku waydiisay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa oo maanta UCID iyo Kulmiye heshiis laba geesooda ay ku galeen waxa uu hadalkiisu ku goodiyey in Xisbiga Mucaaridka ee Waddani wada xaajood iyo isku dayo badan oo in lagu qanciyo si xal loogu helo inay dalka doorasho ka qabsoonto ay diideen Waddani isla markaana xalkii ay u arkeen si doorashooyinku aanay mar kale dib ugu dhicin ay heshiis wada galeen Kulmiye iyo Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here