Daawo: Dawladda Somaliland oo Caasimadda Hargeysa Ka Mamnuucday Dadkii Xoolaha Ku Dhex Dhaqan Jiray + Maayar Soltelko Oo Fariin Digniina Shacabka U Diray

0
446

Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa Saaka qaaday olole balaadhan iyada oo fulinaysa go’aan Xukuumadda Somaliland kaas oo Lagu Mamnuucay’ Xoolihiii iskugu jiray RIYAHA, GEELA, LODA Iyo DAMEERAHA ee Caasimadda Hargeysa meelaha SUUQYADA ilaa Xaafadda Degmooyinka Hargeysa ee kala duwan dadku ku dhaqdeen ee dhibaatada baahsana bulshada Caasimada ku dhaqan ku hayey.

Maayarka Caasimadda Hargeysa md Cabdiraxmaan Maxamuud Cayddiid (Soltelko), ayaa shir Jaraa’id oo uu ku qabtay goobta ay ku xareeyeen Saaka dawladda Hoose Xoolihii ay ururyeen oo Boqol oo Neef oo Riyo ah adhi ka badan ahaa iyada oo meelo kalena ay xoolo ay ka mid yihiin Geel iyo Lo iskugu lagu kala xareeyey dhawr meelood oo Caasimadda ka ka tirsan, waxa uu halka ka sheegay Duqa Hargeysa Cabdiaxmaan (Soltelko) inay fulinayaan dawladda hoose ee Hargeysa go’aan Xukuuumadda Somaliland ka soo baxay ee Xoolaha kala duwan lagaga mamnuucay Hargeysa in lagu dhex dhaaqdo isaga oo hoosta ka xariiqay inay aroorta laga bilaabo uu isagu ku amray Guddoomiyayaasha 8 Degmo ee Xaafaddaha Hargeysa maamula inay wixii ay Xoolo nooc kasta oo ay yihiin ay xidh xidhaan wixii ay xoolo xaafaddaha iyo suuqyada kala duwan ku arkaan dibna aan loogu celin karin dadkii lahaa xoolahaasi balse dawladdu ay ugu deeqi doonto Maxaamiista Jeelasha dalka iyo Askarta kala duwan ee Ciidanka Qaranka loo qali doono

Halkan Ka Daawo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here