Wasiirka Caddaaladda Oo Ka Qaybgalay Hadhimo Sharafeed Rugtadda Ganacsiga Somaliland Hargeysa Ugu Samayeen Weftigii Isimada Duubabka Dhaqanka Ee Bariga G. Sanaag Ka Yimid

0
453

Xarunta Rugta Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa hadhimo sharafeed balaadhan Caasimadda Hargeysa ugu samayey Weftigii  Isimada iyo Odayaasha Duubabka dhaqanka ee Beelaha Bariga gobolka Sanaag dega ee Warsangeli oo Hargeysa ku sugan.

Madasha hadhimo sharafeedka ahayd ee loo sameeyey Duubabka dhaqanka iyo Salaadiinta Beelaha Warsangeli ee laba todobaad ka hor ka soo kicitimay Deegaanadda Bariga Gobolka Sanaag oo Huteel Ambbaasaddoor ee Caasimadda Hargeysa ka dhacday, waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Caddaaladda ee Somaliland md Cabdirasaaq Cali Cabdi, Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargeysa md Cabdiraxmaan Maxamuud Cayddiid (Soltelko), Guddoomiyaha Xarunta Rugta Ganacsiga ee Somaliland md Jamaal Cayddiid Iyo Madaxda iyo masuuliyiinta shirkadda iyo ganacsatadda ugu magaca wayn uguna saraysa ganacsatadda reer Somaliland waxaana halka qudbado mahadnaq, soo dhawayn iyo islaab xaadhasho ah ka jeediyey dhamaan madaxdii kala duwanayd ee hadhimo sharafeedka ka qaybgalay, ganacsatadda dalka ugu magaca wayneyd ee madashaasi goob jooga ka ahayd iyo Xubno ka mida madax dhaqameedka qadada loo sameeyey.

 

 

Halkan Hoose Muuqaalka Ka Daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here