Dawladda Waddanka Ingiriiska Oo Ku Dhawaaqday Qaabka Somaliland Ku Gaadhi Karto Aqoonsi Caalami Ah Iyo Halka Ugu Dhaw Ee U Marayso

0
473

Dowladda Ingiriiska ayaa markii ugu horraysay si waadax ah uga hadashay hannaanka Jamhuuriyadda Somaliland Beesha Caalamka kaga helo karto Ictiraaf caalami ah tan iyo 1991 kii oo ay Somaliland ku dahwaaqday in ay xornimadeeda kala soo laabatay midawgii Soomaaliya ee 1960-kii iyada oo sheegtay in Somaliland hal dariiq ay ku gaadhi karto Aqoonsiga ay muddoda baadi goobka ugu jirtay.

Dowladda Ingiriiska ayaa si rasmi ah u sheegtay in Ictiraafka Somaliland uu ku xidhan yahay inay ku heshiiyaan iyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay magaalada Xamar. Waana markii ugu horraysay ee ay London sidan uga hadasho aqoonsiga Somaliland iyada oo ahayd waddankii Maxmiyadda Somaliland ee xornimada siiyay 1960-kii laguna tilmaamo mid mudadaasi ay Somaliland aqoonsiga raadinaysay aad uga gaabisay in ay ugu yaraan Somaliland u muujiso dareen soo dhawayn ah walaw ay ka mid tahay dalalka Somaliland dhinacyo badan ka taageera.

Wargeyska Financial Times ee ka soo baxa London waxa uu bilowgii isbuucan Warbixin dheer ka qoray dadaalka Ictiraaf-raadiska Somaliland iyo Aragtida Dowladda Britain ee Yoolka lagu gaadhi karo Ictiraafkaasi.

Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda ee UK oo la hadashay Wargeyska Financial Times waxay sheegtay inay Dowladda Britain rumeysan tahay inay u taallo Dawladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Soomaaliland si ay u gaadhaan Mustaqbal Wadajir ah iyo inay dalalka Gobalka iyo Jilayaasha dalalkaasi kaalin hoggaamin ka qaataan Natiijada Heshiiska ee Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Sida uu Wargeyska FT u sheegay Khabiir Axmer Sulaymaan oo ka tirsan Aqalka Chantam House ee London arrintan ayaa waxaa isku raacsan dhammaan Dowladaha Reer Galbeedka waan ata keentay in Somaliland ku guul darraysto in ay dal kali ah ka dhaadhiciso qaddiyadeeda iyaga oo mar walba ku xidhaya Soomaaliya oo 27-kaa sanadood ku jirta burbur, dagaalo iyo dawlad laโ€™aan.

Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Dalalka Gobalka uma muuqdaan inay qaadi doonaan tallaabada u dambaysa ee Ictiraafka Somaliland ilaa uu wada-xaajoodka Somaliland Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ka gaadhaan heshiis Mustaqbal oo Wadajir ah.

Wadahadalladii Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamulka Muqdisho ayaa istaagtay tan iyo markii uu dalkaasi Soomaaliya Madaxweyne ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana sabab u ah inuu wadahadalkaasi istaago goโ€™aankii gurracnaa ee uu ninkaasi ka qaatay Maalgashiga Dekadda Berbera oo uu si weyn uga hor yimid taasi oo keentay in xukuumadda Somaliland laasho gabi ahaanba wada hadalkii soo socday ee marka horeba ma dhalayska ahaa.

Somailand ayaana si cad u sheegtay inaanay Dowladda sheegata Federaalka Soomaaliya la fadhiisan doonin inta ay faro-gelinta ka daynayso Arrimaha Gudaha Somaliland gaar ahaan maal-gashiga iyo arrimaha dawladnimo.

Dhawr jeer ayaa waxaa fashilmay wadahadal la doonayey inay labada dhinac yeeshaan, haddana ma jirto ififaalo muujinayo in la wada fadhiisan doono inkasta oo uu shalay Somaliland soo gaadhay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo maalmihii ugu dambeeyey socod ku gaalaa bixinayay Gobolada dalkaasi Soomaaliya shalayna soo gaadhay Somaliland tan iyo intii uu baddalay ninkii isaga xilkan uga horreeyey ee Michael Keating.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here