Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Nuxurka Kulankii Shalay Dhex Maray Madaxweyne Biixi Iyo Haysom & Goobaha Diiradda Lagu Saaray

0
433

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida, Nicholas Haysom ayaa shalay oo Axad ah soo gaadhay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Haysom oo soo dhawaynta Madaarka Cigaal International ee Caasimadda Hargeysa kadib loo galbiyey dhinaca Madaxtooyadda ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo badan iyada oo ay Madaxweynaha kulankaasi kula wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka,  Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Dibadda Somaliland iyo waliba la taliyaha Madaxweynaha ee wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Xuseen Cali Ducaale ‘Cawil’.

Qodobada ay mas’uuliyiintani isla gorfeeyeen waxaa qayb ka ahaa cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dib usoo celinta wadahadallada hakadka ku jira, colaadda Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukaraq iyo amniga.

Qoraal lagu soo daabacay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ku leeyahay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa intaas lagu daray in madaxda ay isla eegeen arrimo ku xeeran amniga gobolka horumarka iyo colaada Tukaraq.

“Isagoo ku sugan Hargeysa, mar sii horeysay oo shalay ahayd, wakiilka UN-ka, Nicholas Haysom, wuxuu la kulmay Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo kala duwan oo ay ku jiraan, xidhiidhka dowladda Soomaaliya, amniga gobolka, horumarka iyo muranka ka dhaxeeya deriskoosa Puntland ee Tukaraq,” ayaa lagu yidhi warka.

Safarka Nicholas Haysom ee Hargeysa ayaa kusoo beegmaya xili uu dorraad oo Sabti ahayd uu Garoowe ay ku kulmeen Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Garoowe Cabdiwali Gaas, oo ay isla faaqideen arrimo ku xeeran colaadda Sool, qaabka loo xalin karo iyo khilaafka dalka ka jira. Tan iyo markii ay ciidamada Somaliland iyaga oo xuduudda sugaya ay dagaal kula wareegeen deegaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland sidoo kalena ay dagaalo goos-goos ahi ay deegaankaas ku dhex mareen ciidanka Somaliland iyo Maleeshiyaadka Garoowe , waxay beesha caalamku labada dhinac saaraysay cadaadis ay ku rabeen in ay labada dhinac miiska wada hadalka yimaadaan si loo qaboojiyo xiisadda.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo markii shalay kulankaasi dhammaaday Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyey waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi: “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay arrinta nabad gelyadu, is-kaashiga Qaramada Midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”

Ambassador Haysom ayaa sidan oo kale maamulka Puntland kala hadlay sidii loo soo gabagabeyn lahaa Dagaalka Deegaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada qaranka iyo Maleeshiyaadka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here