Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi Ayaa soo saaray farriin uu Xisbigu ku socodsiiyey dhammaanba Taageerayaasha Xisbiga WADDANI meel kasta oo ay dunida dacaladeeda ka joogaan gaar ahaan dhammaanba Gobolada iyo degmooyinka dalka.

Farriin muuqaal ah oo uu Xisbigu soo saaray ayuu Mudane Khadar Xuseen Cabdi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI farriintan ugu sheegay taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxaanu ku yidhi farriintiisa sidan: “Waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan ku hambalyeynaynaa Taageerayaasha Xisbiga WADDANI in ay si fiican oo dardar leh maalmihii ugu dambeeyey ay u wadeen in ay isku diiwaan galiyaan oo ay u qaataan kaadhka xubinnimada. Barnaamijka xubinimada Xisbiga WADDANI ujeedadiisu waxa weeyi in aan abuurno dariiq cusub oo xubnaha xisbigu ama taageerayaasha xisbigu ay qayb uga noqon karaan talada Xisbiga.

Dariiq cusub oo taageerayaasha xisbigu ay ugu iman karaan Xisbiga, kula xidhiidhi karaan, talona ugu keeni karaan. Sidaa daraadeed waxaan ku dhiirri gelinayaa taageerayaasha xisbiga WADDANI Gobol kasta oo ay joogaan iyo adduunka meel kasta oo ay ka joogaanba in ay si rasmi ah isku diiwaan galiyaan oo ay qaataan kaadhkooda xubinimada taasina waxa ay aasaaska u dhigaysaa xisbinimada rasmiga ah ee la doonayo iyo habka xisbiyada adduunku ay u shaqeeyaan aan u guurno, oo ah in xubnaha rasmiga ah ee xisbigu ay yihiin kuwa talada ugu dambaysa ee xisbiga iska leh, dadka kale ee markaa xisbiga xilalka ka haya ee ka shaqaynayaana ay xaqiijinayaan ujeedooyinka xubnahaasi iyo taageerayaashaasi xisbigu ay leeyihiin sidaa daraadeed waxaan mar labaad iyo mar saddexaadba ku dhiirri gelinayaa in ay wadaan oo xoojiyaan in ay qaataan kaadhadhkooda oo ay isu diiwaan galiyaan sidii ay xubno rasmi ah xisbiga uga noqon lahaayeen Xisbigana ay ugu fududayn lahaayeen dariiq cusub oo uu ku gaadhi karo taageerayaashiisa. Aadbaad u mahadsan tihiin”.  Ayuu farriintiisa ku soo gunaanaday Khadar Xuseen Cabdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here