Home Blog Page 354

Qodobo Ka Soo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

0

Fadhigii Golaha Wasiirradda Jamhuuriyadda Oo Lagu Go’aamiyey In La Joojiyo Mashaariicda Horumarineed Ee Ku Jira Odoroska Miisaaniyadda Sannadeedka 2022-ka.

War-Saxaafadeed-16-06-2022-()-Fadhigii 93aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey ka soo baxeen qodobo muhiim oo diirada lagu saaray arrimo kala duwan oo qaranka dan u ah. Sidoo kale Goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay Wasiirrada Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Diinta iyo Awqaafta.

Ugu horanna waxa golaha war-bixin la xidhiidha amniga qaranka la wadaagay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaalada amni ee dalku inay tahay nabadgelyo ah. Sidoo kale goluhu waxa uu warbixin la xidhiidha arrimaha siyaasada dibeda ka dhegeysteen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud oo muddooyinkii u danbeeyey safaro kala duwan ku soo maray Dalalka Uk iyo France, isagoo wasiirku xusay in safaradaasi ku soo dhammaadeen guul qaranka u soo hooyatay.

Waxa kale oo goluhu warbixin la xidhiidha gubashadii Suuqa weyn ee Waaheen ka dhegeysteen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka iyo Taakulaynta Suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo uu wehelinayey Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahin Yuusuf, waxaanu golaha la wadaagay halka uu marayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa waaheen iyo qorshaha dejinta suuqyada ku meel-gaadhka ah ee loo diyaariyey inay ku ganacsadaan dadkii uu saameeyey dabkii Waaheen, taas oo uu xusay in dejinta la bilaabi doono todobadka danbe.

Dhinaca kale Goluhu waxa uu qodobbo ka soo saaray Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay yeesheen Maanta oo Khamiisa taariikhduna ay tahay 16-June-2022-ka.

  1. Dood iyo falan-qayn dheer oo socotay ilaa shirkii kan ka horeeyey ka dib Goluhu waxa uu Qabyo-qoraalka Xeerka Madax-dhaqameedka dalka, ay fareen Wasaaradda Arrimaha Gudaha inay dib u habayn ku soo samayso nuxurka uu Xambaarsan yahay Xeerkaasi, iyada oo Wasaaraddu ka duulaysa dooddii iyo talooyinkii Xubnaha Golaha Wasiirradu soo jeediyeen shirarkii u danbeeyey.

  2. Goluhu waxa uu ku dheeraaday xaaladda maceeshada iyo shidaalka ee qiimahoodu kor u sii kacayo marba marka ka danbaysa, kuwaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ay kala mid tahay bulshada kale ee caalamka ku nool, isla markaana wadan waliba samaynayo isku tashi Qaran. Sidoo kalena ay xaaladdii abaartu wali dalka ka taagan tahay. Sidaa awgeed Goluhu waxa uu go’aamiyey in la joojiso mashaariicda horumarinta ee ku jira odoroska Miisaaniyadda 2022-ka, si loo samayn karo gurmad degdeg ah haddii xaaladuhu sii adkaadaan.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Waamaxay Mashaariicda Laga Fulin Doono Ceerigaabo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Mashaariic Isugu Jirtay Dhagaxdhigay iyo Xadhig Ka Jar Ka Sameeyey Madaarka Diyaaradaha Ceerigaabo.

Ceerigaabo-15-06-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray dhabadda diyaaraduhu ka hadaan ee madaarka Ceerigaabo, kaas oo dhererkeesu dhan yahay 1.8 km GRAVEL Runway, taas oo ay Maalgalisey Hay’adda duulista iyo Madaarada Somaliland, Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu dhagax dhigey, Xayn-daabka Garoonka Diyaaradaha Ee Ceerigaabo oo Bedkiisu dhan Yahay Todoba Killo Mitir (7km) oo Square iyo terminal cusub oo loo binayn-doono.

Madaxweynaha oo garowsan kana duulaya ahmiyada uu Dalka u leeyahay Garoonka diyaaraha Ceerigaabo, waxa uu balan qaadey in la dhamaystiridoono, dhamaanba adeegyda uu u baahan yahay madaar diyaaradeed oo Maxali ah. (Domestic Airport).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo waftigii cuslaa ee uu Hogaaminayey oo Ka Koobnaa Golayaasha fulinta ee Xukuumadda iyo Sharci dajinta, Baarlamaanka oo safar shaqo maalmihii u danbeeyay ku joogy magaalada Ceerigaabo ayaa socdaal dhinaca cirka ah kaga soo ambo baxay xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, waxaanay ku soo noqdeen waftiga madaxweynuhu Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Shirka Beel-weynta Warsangali Oo Laga Soo Saarey Qodobo

0

Shirka Beel-weynta Warsangali Oo Laga Soo Saarey Qodobo Ay Isla Af-garteen Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Bulshadda Beeshaasi.

Ceerigaabo-15-06-2022-()-Shirkii Beelaha Warsangali ugu socday magaaladda Ceerigaabo Ee Gobolka Sanaag ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay isla afgarteen xukuumadda Somaliland iyo BEEL weynta Warsangali, kaas oo lagu sii horumarinayo Qaranka Somaliland iyo shacabkiisa.

Sultan Maxamed Sultan Xasan Jibriil oo akhriyay Qodobada ka soo baxay Shirkaasi Mideeye ayaa ayaa sheegay inuu heshiiskani salka ku hayo is-afgarad dhexmaray Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beelaha Warsangali.

Waxaanu U Dhignaa Heshiiskaasi Sidan:-

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Salaadiin, Cuqaasha iyo Waxgarad Beesha Warsangeli ee Shirka Mideeye laguna qabtay Xarunta Gobolka Sanaag ee Degmada Ceerigaabo 01/06/2022 ilaa 15/06/2022 shirkaas oo ay ka soo qayb-galeen dhammaan Salaadiinta, Cuqaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka Beelaha Warsangeli laguna gorfeeyay Arrimaha Siyaasiyeed, Nabadgelyo iyo Horumarineed ee Beelaha Warsangeli ee Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda hay’adaha Dawladda, Amniga, Caddaalada, Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale iyo awood qaybsiga Beelaha Warsangeli iyo Xukumadda Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beelaha Warsangeli waxay ku heshiiyeen Qodobadan Hoose ku qoran :

  1. Beesha Warsangali waxay si buuxda uga mid tahay, kana mid ahayd beelaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna la wadaagtaa Dhib iyo dheefba sida Nabadgelyadda, Horumarinta arrimaha Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaale iyo Difaaca Qaranka.

  2. Xukuumadda Somaliland waxay ballan-qaaday Dhismaha Kabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Arrimaha Bulshadda sida Dekadda Laasqoray iyo Waddada Ceerigaabo-Badhan, Biyaha, Caafimaad, Waxbarashadda I.W.M

  3. Xukuumadda Somaliland waxay dib-u-eegis iyo tixgalin siinaysaa tabashada Beesha Warsangeli ee Waaxda Fulinta.

  4. Dawladda Somaliland waxay aqbashay in Degmadda Dhahar loo magacaabo Gobol iyada oo loo raacaayo Nidaamka Goboladda iyo Degmooyinka, Wixii khuseeyaa degmooyinka waxaa u xilsaaran wasaaradda Arrimaha Gudaha sida Degmooyinka Cusub, dalacsiinta degmooyinka hore I.W.M

  5. Xukuumadda Somaliland iyo Beesha Warsangali oo ay hogaaminayaan salaadiinta, Cuqaasha, aqoonyahanka iyo waxgaradka beelaha warsangeli waxay si wadajir ah uga shaqaynayaan fidinta Maamul ee Dawladda Somaliland ee Deegaamada Beelaha Warsangeli.

  6. Xukuumadda Somaliland waxay garowsatay in Beesha warsangeli ka qaybgasho Bahda garsoorka ee Somaliland.

  7. Xukuumadda Somaliland waxay tixgalinaysaa in Beelaha Warsangeli laga siiyo Saami shaqaale Dawladda Somaliland.

  8. Fulinta heshiiskan wuxuu dhaqangalayaa maalinta la saxeexay, waxaanu dhamaystirmayaa 5 bilood gudohood.

Wa-bilaahi Tawfiiq