Home Blog Page 355

Taliska booliiska Somaliland oo warkan Kasoo Saaray Masuuliyiintii Mudahadka Ku Dhaawacmay

0

 

Warsaxaafadeed

Taariikhdu markay ahayd 9/6/2022 waxa ka dhacay magaalada hargeysa Mudaharaad aan Sharci ahayn oo ay abaabuleen Xisbiyada Mucaaridka ah, Ciidanka Booliskuna u maareeyen uguna hor tageen sidii ugu wanagsanayd.

*Hadaba Ciidaanka Boolisku ma adeegsan Rasaas nool,halka Ciidanka lala dhacay rasaas nool una adeegsadeen Ilaalada Gudoomiyaha xisbiga WADDANI iyo musharaxiisu.

  • Waxaa kale oo Ciidanka lagala hor yimid gacan ka hadal badan Sida SHIID, BAKOORADO, iyo aflagadooyin badan.

Hadaba waxaaso dhan Waxuu Ciidanku ku maareeyey Si nabadgalyo leh, Isagoo adeegsanayaa rasaasta rabadhka ah iyo waxyaalaha kale ee Booliska caalamku Kaga hortago Isla markaana kula tacaalo Rabshadaha.

waxaa nassib darro ah in ayaamahan udambeeyey baraha bulshada (Socil media) Lasoo dhigaayey xildhibaan barkhad Jaamac iyo rag kale oo la leeyahay Rasaas nool ayaa ku dhacday, Iyadoo lagu Cambaaraynaayo Ciidankan Booliska Iyo qaranka somaliland.

Sida darteed Ciidanka Booliska oo kaashanaya Dhakhaatiir aqoon u leh Arimahan Waxay baadhiis Deg-dag ah ku samaynayaan natiijada dhaawaca ay sheegeen mucaaridku si xaqiiqada loo ogaado sharcigana loo waafajiyo.

Soomaaliya ayaa ka cadhootay shir ay ku aragtay Calanka Somaliland.

0

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb Mohamoud Tarsan, ayaa cadho kaga baxay kulan heer Dublomaasiyadeed ah oo Madaxweyne Uhuru Kenyatta, la lahaa safiirada dalkiisa jooga ee ka socda wadamada saaxiibka la ah.

Amb Tarsan ayaa la sheegay in uu shirka ka xanaaqay kaddib markii uu arkay Calanka & Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo kulanka qayb ka ah.

 

Madaxwaynuhu sharcigan uu leeyahay waan ku dhaqmayaa malaha waa buugii qadaafi”Xoghaya Waddani

0

“Madaxwaynuhu sharcigan uu leeyahay waan ku dhaqmayaa malaha waa buugii qadaafi ee akhtarka ahaa oo kale oo uu hoosta ku haysto, waayo waxaan is waydiiyey talow sharcigan dhigaya in dadkii banaanbaxayay xabad lala dhaco halkuu kaga yaalaa buuga akhtarka ah, Muuse kitaabul Akhtar ayuu samaystay oo dastuurkii waa ka tagay.” Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Khadar Hussein Abdi

“Dad Dano Gaar Ah Leh Ayaa Sikale U dhigay Hadalkii Wasiirka” Wasarada A. Gudaha

0

WAR-SAAFADEED

Hargeisa–14-6-2022-(). Waanu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaynaa in hadalkii uu xalay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ka jeediyey shirkii ay ka soo qayb galeen dhammaan waxgaradka,aqoonyahan iyo Madaxda dhaqanka ee Gobolka Sanaag, ay dad dano gaar ah lihi majaro habaabiyeen si khaldana bulshada loogu turjumay hadalkii Wasiirka, sidoo kale hadal ka yar ee la wareejinayo baraha bulshada uu yahay mid la jarjaray lana dhalan rogay si shacabka Sanaag Bari iyo Weftiga uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi la isaga horkeeno.

Shirka Wasiirku ha hadlay wuxuu ahaa shir Madaxweynaha Qaranku kula kulmay dhammaan waxgaradka Gobolka Sanaag, ma ahayn shir u qaar ah waxgaradka Gobolka Badhan, Wasiirku wuxuu dardaaran ku saabsan ilaalinta degaanka iyo Joojinta Seerayaasha sharci darrada ah ka jeediyey madal ay wada fadhiyeen dhammaan reer Sanaag oo aan cidi ka maqnayn.

Hadaba kuwa hadalka Wasiirka sida khaldan bulshada ugu turjumay ama hadalka Wasiirka jarjaray waa dad ka soo horjeeda horuumarka Jamhuuriyadda Somaliland, waa shaqsiyaad ka tirsan mucaaradka oo ka xun sida wayn ee Madaxweynaha Qaranka oo hogaaminaya dawladdii oo dhan ay u wajeheen Tabashadii Beesha Ballaadhan ee Warsangeli iyo guud ahaanba ahmiyada uu Madaxweynuhu siiyey Gobolka Sanaag.

Hadalka Wasiirka Wasaaradaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, isaga oo dhamaystiran wuxuu ku jiraa warbaahinta, sidoo kale waanu ognahay shaqsiyaadka jarjaray hadalka Wasiirka waxaanu ka qaadaynaa tallaabo sharci ah.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo somaliland Soo Gaadhay Iyo Ujeeda Socdaalkiisa

0

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Oo Degmada Kala-baydh Kusoo Dhaweeyey Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo.

Boorama-14-06-2022-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno kamida Golaha Wasiirada, Xildhibaano masuuliyiin kale ayaa maanta dalka kusoo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane, Mustafe Muxumed Cumar iyo wafti uu hoggaaminayey oo socdaal kusoo gaadhay Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waftiga Deegaanka kusoo dhaweeyey Duleedka Degmada Kala-balaydh ee Gobolka Gabiley, waxaana uu halkaasi uga sii gubiyey Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, Maamulka heer gobol iyo heer Degmo iyo Bulshada kala duwan ee Gobolka Awdal ayaa waftigaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyey Deegaanka Gorayo-cawl ee Duleedka Boorama, waxaana waftiga loo gelbiyey dhankaa iyo gudaha Boorama halkaasi oo loogu sameeyey hadhimo-sharafeed.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Xasan Caalin (Tiim-baro) oo ka hadlay soo dhaweynta Waftiga Madaxweynaha Dawladd Deegaanka Soomaalida ayaa Bulshada ku dhaqan Boorama uga mahad celiyey sida ay usoo dhaweeyeen waftiga sidoo kalena waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiiradda Wasaaradaha Isgaadhsiinta iyo Tiknolojiyada Mudane, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi iyo Horumarinta Maal-gashiga iyo Warshadaha Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare oo iyaguna sheeggay inay waftiga si miisaan leh ugu soo dhaweynayaan Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.

Dhanka kalena Hoggaanka Nabad Gelyada Deegaanka Mudane, Mubashar Dubadd Raage oo ayaa Xukuumada Somaliland iyo Shacabka Boorama ugu mahad celiyey soo dhaweynta aan loo kala hadhin ee ay ku qaabileen, waxaana uu sheegay in Dawladda Deegaanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland uu ka dhaxeeyo Xidhiidh walaalnimo oo iskaashi kaasi oo ah dhanka Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Horumarka iyo Aqoonta.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalilanda Mudane, Mustafe Muxumed Cumar ayaa maalinta beri ah Khudbad ka u jeedin doona Ardayda dhigata Jaamacada Jacamuud ee Magaalada Boorama.

Wa-billaahi Tawfiiq

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhig-ka-jaris Iyo Kormeer ku Sameeyey Mashaariic Xukuumaddu Ka Hirgelisay Ceerigaabo.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhig-ka-jaris Iyo Kormeer ku Sameeyey Mashaariic Xukuumaddu Ka Hirgelisay Gudaha Ceerigaabo.

Ceerigaabo-14-06-2022-( )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo maalintii saddaax ku jooga gobolka Sanaag, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo ay xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Ceerigaabo.

Madaxweynaha, ayaa xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo ay kamid yihiin xeer ilaalinta gobolka iyo maxkamadda gobolka oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, dib-u-habaynna lagu sameeyey, Dhismaha xarun ballaadhan oo loo bineeyey ciidanka Birmadka iyo laba saldhig oo cusub oo loogu talo galay ciidamada Booliska ee ka hawlgala gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta goobaha uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey muhiimadda ay qaranka u leeyihiin dhismeyaashani iyo kaalinta ay xukuumaddu ka qaadatay hirgelintooda, waxana ay ku ammaaneen madaxweynaha sida uu hagar baxay sidii ay dhismeyaashaasi u dhammaystirmii lahaayeen.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kormeeray dhisme cusub oo dhawaan loo hirgeliyey xarunta miiska saraakiisha ee ciidanka qaranka iyo jaamacadda dawladda ee Sanaag University oo waxbarashadeedu si habsi leh u socotay, waxana uu kulamo la qaatay, warbiximona ka dhegaystay maamulka jaamacadda, kuwaas oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu ugu hagarbaxay inay jaamacaddu noqoto mid dhamaystiran oo wax kastaaba u dhammaystiran yihiin, isaga oo mid mid u galay fasallada jaamacadda oo ay waxbarashadu ka socoto.

Guddoomiyaha jaamacadda Sanaag University, Mudane Cali Cabdi Hurre oo halkaas kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida uu garab istaagay baahiyaheeda kala duwan, waxana uu caddeeyey in tirada ardayda jaamacadda dhigataa marba marka ka dambaysa sii kordhayso.

Jaamacadda kale ee Daalo ee magaalada Ceerigaabo oo dhismaheedu gebgebo marayo, islamarkaana ah waqfi uu muwaaddin gobolka kasoo jeedaa ku deeqay, ayuu madaxweynuhu kormeeray, waxana uu halkaas kula kulmay maamulka gacanta ku haya, kuwaas oo sharraxay halka dhismuhu marayo iyo sida ay wax uga tari doonto baahida waxbarasho ee gobolka ka jirta.

Madaxweynaha iyo wefti culus oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag, ayaa hawlo shaqo ku gudo jira oo ay kamid yihiin kuwan maanta xadhig-ka-jarista iyo kormeerka lagu sameeyey.

Wa-bilaahi Tawfiiq