Home Blog Page 353

“Gurigaa Musharax Cirro Deganyahay Waxa ay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro ah u Hubaysan” Taliska Booliska

0

Warsaxafadeed

Sida ku cad Qodobka 124 Ee dastuurka JSl iyo xeerka Booliska 63/2013 waxa Ciidanka Boolisku u xil Saaranyahay Amniga Gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaadina Hantidiisa Naf iyo Maal oo ay ka mid yihiin Madaxda Asxaabta Qaranku.

Boolisku isago gudanaaya Wajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda Asxaabta Qarnaka la siiyay Ciidan ku filan ilaalinta Naftooda,Guryahooga iyo Xafiisyadooda, Iyadoo waliba loogu xoojiyay xubno ciidan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ( military).

Ciidanka Boolisku waxay la socdeen mudo laga joogo laba week uu musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu ka soo guuray Gurigisii Hore oo ku yaalay Xaafada pebsiga Ee galbeedka Magaalada Hargeysa soona dagay Guri Cusub oo ku Yaal xaafada Hodan Hilis Ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Hadaba Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in Todobadkii u dambeeyay ay gurigaa Musharaxu Daganyahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro ah u Hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay Ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana Dadka Shicibka ah, Baadhana Baabuurta Mararka Qarkoodna Ridaan Rasaas Dhamaantoodna ku labisan Direys Tuute ah.

Hadaba waxa lala socodsiinayaa ummadda Jamuuriyada Somaliland ee Nabad-galyada Jecel in ay soo kordheen arimahaas aanu kor ku soo sheegnay oo inagu cusub haday sii socotana noqonasa Dambi khiyaamo Qaran, Sida ku Cad qodobka 221 ee xeerka ciqaabta Guud.

Sidaa Darteed waxaanu uga Digaynaa musharaxa Xisbiga WADDANI iyo Cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay is
ka fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta Ciidamadii Qaranka ee amnigooda Sugaayay .

Waxaanaanu u gudbin donaa xeer ilaalinta iyo maxakamada awooda u leh arintaasi aanu kor ku soo xusnay masuuliyadeeda.

Wasiir Koore Oo Gaadhay Jiidda Hore Ee Tuka-raq

0

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Ayaa Gaadhay Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool.

Wasiirka iyo wafti ayaa mudada ay joogaan u kuur gali doona xaaladda deegaanka Tukaraq oo ay ku suganyihiin ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Maydad Iyo Hub Lagu soo bandhigay Deegaan Alshabab laga Qabsaday

0

Maamulka degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ee ku sugan degaankaas ayaa maanta goob fagaare ah ku soo bandhigay, meydadka xubnihii argagixisada looga dilay dagaalkii shalay, saanad ciidan oo laga furtay dagaalka iyo maxaabiis nool.

Saraakiishu waxay sheegeen in la tiriyey meydadka 70 dhagarqabe, waxaana raga la dilay ku jira xubno ajaanib ah, sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay oo maanta fagaaraha Baxdo lagu soo bandhigay dhagarqabihii waday gaari lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgalkaan geesinimada leh ku amaanay dadka reer Baxdo iyo ciidamadii kale ee u soo gurmaday, waxayna reer Baxdo dowladda dhexe iyo Galmudug ka heleen balan qaadyo garab is-taag ah.

Sidoo kale ugu yaraan 42 arday oo degaanka Baxdo ku dhameysatay waxbarashada dugsiga sare ayaa maanta deegaankaas ku galeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda, guddoomiyaha degaankaas Maxamed Cabdullahi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in haatan wax cabsi ah aysan ka jirin Baxdo.

Taliye Xiirane Oo saraakiil Ajaanib ah La Kulmay

0

Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha iyo diffaca Badda JSL Admiral Maxamed Hussein Faarax xiirane ayaa saaka ku qaabilay xarunta Taliska guud Saraakiil ka socday Hay’adda UNODC

Kazuyo Mitsuhashi: UNODC GMCP Programme TEAM
Mohamed Nabulsi: Maritime Communication Expert
Chuck Ridgway: Maritime MDA expert

Taliyaha ugu horayn waxa uga mahad naqey saraakiisha doorka ay ka qaateen dhisida Ciidanka badda Capacity building si mug leh OO wax Tar leh
Saraakiisha hay’adda UNODC waxay Taliyaha u sheegeen in ay laban laabanlabayaan sanadkan Taageerada ay siin jireen Ciidanka iyaga OO ka caawinayaa Dhinacyada maritime domain awareness
Iyo communication iyo isku xidhka regional collaboration wadamada wadaagga golf of Aden and red sea
Ugu danbayntii waxa ay ku amaaneen ciidanka ilaalada xeebaha iyo diffaca Badda JSL sidda ay u heegan ugu yihiin waajibaadka ay u xilsaaran yihiin kana hor tageen dhamaan waxyaabaha sharciida darada ah ee ka dhici jiray xeebaha Geeska Africa

Kulanka OO ay Taliyaha ku wehelinayay qaateen saraakiisha sar sare ee Ciidanka ilaalada xeebaha waxa uu ku dhamaaday is Afgarad iyo guul

Xafiiska warbahinta Ciidanka ilaalada xeebaha iyo diffaca Badda JSL

“Wiilka dawladdaha dunida ugu jira Liiska arga-gixisada, dhagaha Dadka Iyo Kulmiye Hadalkiisa Wan Ka Raligelinays” Xoghaye Yoonis

0

Yoonis Ahmed Yoonis “Waxa aan ka tacsiyadeynaya shacabka Somaliland iyo taageerayaasha Xisbigi weyna ee Kulmiye dhibaatada uu dhagahooda maalin walba ku hayo Wiilka dawladdaha dunida ugu jira Liiska arga-gixisada ee gidaar uu kaga gabado gabood fallada uu ku eedaysan yahay ka dhigtay Xisbigi hoggaamintiisa Siilaanyo laha ee Kulmiye! waxa aan garanaya iyado dadka Somaliland oo dhammi dhageystaan hadalka Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyihi Xisbigaa 2008-2009kii isaga oo afka Xisbiga ku hadli jiray dadkuna aad u xiiseyn jireen cod iyo cududna Xisbiga ugu keenaya Aqoontiisi iyo awoodiisa hoggaamineed, maantas’e waa u jab iyo hoog taageerayaashi Kulmiye in qof arga-gixiso ku eedaysani afki Xisbigaas ku hadlo mar labaad waan ka taciyadeynaya.

Anigu maanta Ciidanka Booliska iyo Hay’addaha Amaanka dalka ayaan la hadlay imikana mar labaad ayaan ku celinaya Aniga oo afka Xisbigayga WADDANI ku hadlaya oo aan leeyahay:

“Waxa aan idinka fadhina in aad bulshada u caddeysaan xogta amniga dalka ee aad haysaan in aad gaysaan Xafiiska Kulmiye oo aad tihiin waax Kulmiye ka tirsan iyo in aad Xogta amni ee umadda Somaliland xafiisyadiina Boolis ay taalo.?” Haddii aad sheegi waydaan waxa umadda u caddaneysa in aydaan dhex aheyn oo aad dhinac tihiin Xisbi ahaanna waxa aanu dawladdaha dunida la wadaagi doonta iyo dadka Somalilandba sida aad u lumiseen kalsoonidi shacabka.

Ugu dambeyn waxa aan hambalyo u diraya Saxaafadda Somaliland ee go’aanka ka qaadatay in aanay tebin wararka Wiilka Arga-gixisadda ku eedaysan ee ay iska garteen oo bulshada dhagaha ka wasakheynin, hadalkiisa mataga u eeg ee aanan maskax fayow ka soo bixin.

Somaliland waa u ayaan darro iyo aafo weyn in shaqsiyaddaas Arga-gixisadda ku eedaysani tidhaahdo Siyaasi ayaan ahay, mar labaad waxa aanu jawaab ka sugayna Booliska Somaliland in ay caddeeyaan xogtooda amni in xafiisyadda Kulmiye dhex taalo iyo in kale haddii ay caddeyn waayaan waxa umadda u caddaaneysa in Ruux arga-gixiso ku eedaysani Booliska Somaliland afkooda ku hadlaayo Shacabkana warka Booliska iyo xogtooda la wadaagayo.

Goorma ayey Hay’addii Boolisku noqotay meel Xogteeda Argagixiso qof ku eedaysani hayo?

Yoonis Axmed Yoonis
Xog-hayaha caddaaladda Xisbiga WADDANI.