Home Blog Page 329

Sababta Wasiirro Laga Hor Istaagay Ka Qayb Galka Dhagax-dhiga Waddada Jarrato Ee Saaxil.

0

Sababta Wasiirro Laga Hor Istaagay Ka Qayb Galka Dhagax-dhiga Waddada Jarrato Ee Saaxil

Wasiirro ka tirsan Xukumadda Madaxwayne Biixi oo uu hogaaminaayo Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo damacsanaa ka qayb galka munaasibada dhagax-dhiga waddada jarrato ee ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ayaa cabsi darteed waxay ay uga baaqdeen munaasibadaasi, kadib markii hanjabaado iskaga soo daba dhaceen qaar kamid ah odayaasha iyo dad wayne kale ee kasoo jeeda deegaanka laga samaynaayay dhagax-dhiga.

Wasiirradan lagu sameeyay hor istaaga oo kala ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani iyo Wasiirk Gaadiidka iyo Horumarinta Jidaddka Cabdirisaaq Ibraahim ayaa adayaasha deegaanku wacad uga mareen in ay kasoo qayb galaan madasha dhagax-dhiga.

Sababta Wasiirradan looga hor istaagay ayaa lagu sheegay in aanay Xukumadda dhexe uga sidin wax qaadhaan ah oo ay kaga qaybqaadanayso waddada isla markaana ay doonayaan in ay ku galaan sawirro kaliya kagana hadlaan dano siyaaasadeed, waxaanay odayaashu go’aan ku gaadheen in aanay fooda soo galin goobta sidaana ay kaga maqnaadaan.

Odayaasha deegaanka Saaxil ee talaabadaasi qaaday oo aan la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday in si rasmi ah ay uga hadlaan arinkaasi, waxaanay i xaqiijiyeen in dhacdadani ay jirto oo yagu ay diideen in wasiirradu ay goobta yimaadaan. sababta ay talaabadan u qaadeen ay tahay in wasiiradani ay yihiin kuwo aan xukumadda waxba uga keeni karin oo awoodoodu ay xadidan tahay.

Wasiir Siciid Sulub oo sagu kasoo jeeda deegaanka laga dhagax-dhigaayay waddada, muddo dheerna kasoo shaqaynaayay qaban qaabada dhagax-dhigas Jarrato balse aan wax maal ah ku bixin ayay odayaashu si gaar ah u bartilmansadeen inaanu iman karin madasha, taas oo sababta in Wasiir Sulub ay saamayn khaasa ku yeelato, kuna noqoto fajac iyo amakaag in la hor istaago.

Dhinaca kale Didma lagu hayay wasiirrada uu hor kacaayay Siciid Sulub waxa ay sababtay in ay goobta ka maqnaadaan masuuliyiintii dhismaha waddada jarrato gacanta ku hayay oo uu ka mid ahaa Agaasimihii hore wasaarada Biyaha Maxamed Dirir.

Qore:- Ahmed-nuur Samraawi

Badhasaabkii hore ee Gobolka Hawd Axmed Cige Yare Oo Geetiyooday AHN

0

Alle ha unaxariistee waxa saaka geeriyooday Badhasaabkii hore ee Gobolka Hawd Axmed Cige Yareoo in dhaweyd u jiifay xanuun asiibay.

Waxa uu hawlo caafimaad ugu maqnaa dalka India.

Marxuumku waxa uu ahaa qof degan, cibaado badan isla markaana ka shaqayn jiray wanaaga bulshada dhexdeeda.

khadar Horyaal

Xukuumadda iyo Bulshada oo iska Kaashanaya Tayeynta Qalabka Sifeynta Kelyaha

0

Xukuumadda iyo Bulshada oo iska Kaashanaya Tayeynta Qalabka Sifeynta Kelyah

Hargeysa – Xukuumadda Somaliland qurbajoogta dalka iyo ganacsatada ayaa iska kaashanaya tayaynta kordhinta qalabka sifaynta kelyaha cisbitaalka Hargeysa iyo dhismaha xarun cusub oo loogu adeego bukaanka u baahan Kelyo sifeynta.

Iyada oo xilligan qaybtii kelyo sifeynta ee shaqeynaysay duugowday, isla markaana loo baahday qalab cusub iyo dhisme cusub oo sidii kuwaa hore bukaanka bilaash u ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu sameynayo dhisme cusub iyo qalabayn waaxda sifeynta kelyaha ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kadib markii fariin qaylo dhaan ahi uga timid maamulka cisbitaalka.

Agaasimaha guud waxa uu tilmaamay in ay arrintaasi iska kaashanayaan xukuumadda Somaliland, qurba-jooga dalka iyo ganacsato.

Waxaanu yidhi.โ€œIn dadka Kelyaha loo sifaynayo oo kharashka ku baxaya oo mid balaadhan ah Qaranka Somaliland ayaa damaanad qaaday, iyada oo dhaqaalaheenu yar yahay iyada oo adeeg bixinteena caafimaad ay kooban tahay, haddana waxa aynu dusha u ridanay oo xukuumadda Somaliland dusha u ridatay in aan dadka Kelyaha loo sifaynayo aan la waydiin wax lacag ah, markaad eegto waddamada innagu xeeran oo dhan meel ay sidaasi bilaash u tahay sifaynta Kelyuhu ma jirto, taasina waa ammaan uu leeyahay Qarankeenu iyo dadkeena iyo xukuumaddeenu ay leedahay weeyaan.

Marka meeshiii sidaasi ahayd ee hore waxa inagala qayb qaatay Imaaradka oo inoo sameeyay qaybtaasi oo toban mishiin oo cusubi yaaleen oo shaqaynaysay, qaybteedii mishiinadeedii way duugoobeen dhismihiina wuu duugoobay, marka wasaaraddu waxa ay goโ€™aansatay in dalabkii cisbitaalka uga yimid ay ka soo jawaabto ee ahaa in la hagaajiyo qaybtii ay ku shaqaynayeen Kelyuhu dhisme ahaan laydh ahaan iyo biyo ahaanba isla markaana la balaadhiyo.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in uu qalab soo socdo oo laba dhinac oo kala duwan ka soo socdo qalab jaaliyaduhu inoogu deeqeen oo la dhigi doono halkan cisbitaalka Hargeysa, waxa jira qalab iyaduna wasaaraddu iibin doonto oo ganacsatada qaar iibin doonaan mishiinadii biyaha sifaynayay, iyo shan mishiin oo kale oo wasaaraddu hawshooda gacanta ku hayso iibin doontana isla markaana lagu kabi doono tayada iyo awoodda sifaynta Kelyaha, dhab ahaantii meelaha ugu ajarka badan ay ka mid tahay in dadka kelyaha u buka la eego, qalabkooda iyo daawadoodana maalinkasta qofkasta qalab cusub ayuu isticmaalaya oo la rabaa in loogu sifeeyo kelyahaโ€

Khilaaf Ka Dhex Taagan Hogaanka Xisbiga WADDANI iyo Masuuliyiin Cadho Kaga Maqan

0

 

Xisbiga ugu wayn Macaaridka Somaliland ee WADDANI ayaa waxaa hadheeyay mudooyinkii danbe kala shaki siyaasadeed, kaas oo yimid kadib markii masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xisbigaasi aan lala socodsiin shirir ay yeesheen xubno ka mid ah hogaanka Xisbigu, taaso oo ay ka cadhoodeen xubnaha laga xan qarsaday.

Masiiliyiinta ka cadhooday xisbi WADDANI oo uu hogaaminaayo Wasiirkii hore warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa salka ku haya kadib markii lagaga xan-qarsaday kulamo xisbugu uu ku abaabulaayay mudaharaadkii masuuliyiinta badan laga xidh-xidhay ee dhacay 9, si kadis ahna loogu war-galiyay inay kasoo qayb galaan mudaharaadka, taas oo sababtay in cukuse ka mid noqdo masuuliyiintii la xidh-xidhay.

Khalaafka ka dhex qarxay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo mudo huursanaa ayaa dabada usoo baxay ka dib markii casuumad loo sameeyay masuuliyiintii mucaaridka ee jeelka lagasoo daayay ay xubnihii uu hogaaminayay Cabdilaah Cukuse ay kaga garnaqsadeen goobtaasi fagaaraha ahayd, waxa ay saluugeen iyo shirarka aan lala socodsiin, kuwaas oo hogaanka xisbiga kala kulmay jawaab aanay filayn.

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaji Xasan oo goobtaasi kula hadlay masuuliyiinta tabashada muujiyay ayaa la sheegay inuu ku war-galiyay inay sidaasi Xisbiga kula joogan oo kula shaqeeyaan ama ay iskaga baxaan oo kidinka boobaan.

Dhinaca kale Musharaxa Maxadwayne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo goobta ku sugnaa ayaa kala dhexgalay Xirsi iyo xubnaha waxtabanaayay waxaanu amar ku bixiyay in la joojiyo isla markaasnay la tirtiro dhamaan khudbadihii goobtaasi laga jeediyay oo ahaa kuwo si adag la iskula hadlay oo aan waxba la iskula hadhin, taas oo sababtay in masuuliyiinta qudbadahooda la dhigay ee tabashada hore qabay ay ka cadhoodaan.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo isagu sid adag ula hadlay hogaanka Xisbiga oo aan waxba u reebin lana tuuray qudbadiisi gar-naqsiga ahayd ayaa ilaa malintii arinkaasu dhacay kadib cadho kaga maqan Xisbiga, waxaanu u baxay dalka dibadiisa.

Wasiir hore cukuse oo aan xidhiidh la sameeyay si aan wax uga waydiiyo arinkaasi waxaanu hadal igu soo koobay in uu hada xaalad caafimaad ku jiro, kunasoo laabtay Magaalada Hargeysa.

By Ahmed-nuur Samraawi

100 Xabbo Oo Caasha Badhi Ah Oo Madaarka Hargeysa Lagu Qabtay Mar Kale

0

Ciidanka Booliska Somaliland oo gaashanaya wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay in ka badan 100 xabo oo caasho badhi ah isla markaana si sharco daro ah dalka Somaliland looga dhoofinyo.

Arintan caasho badhida ayaa ah markii labaad ee Wasaaradda deegaanku ku qabato dad si sharci daro ah uga ganacsanayo.!

๐—๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ง ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฃ๐ž๐ž๐๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ก๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฃ๐š๐š๐ง๐ข๐›๐ญ๐š ๐š๐ก ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐จ.

0

๐—๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ง ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฃ๐ž๐ž๐๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ข๐ง ๐ก๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฃ๐š๐š๐ง๐ข๐›๐ญ๐š ๐š๐ก ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐จ

Hargeysa – Xildhibaan ๐๐š๐ซ๐ค๐ก๐š๐ ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ ๐—๐ข๐ซ๐ฌ๐ข ๐๐š๐ซ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ง, oo ka tirsan mudanayaasha ๐ ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ฐ๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐, ayaa xukuumadda ka codsaday in ๐ก๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š๐ก๐š ๐š๐ฃ๐š๐š๐ง๐ข๐›๐ญ๐š ah ee ka shaqeeya arrimaha ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐Ÿ๐š๐ฅ๐ค๐š, haddii aanay dadka danyarta ah waxba u qabaneyn in dalka laga saaro.

Waxaanu yidhi. โ€œ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ฒ๐ข๐๐ก๐š๐š๐ก๐๐š ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐Ÿ๐š๐ฅ ๐š๐ฒ๐š๐š๐ง๐ฎ ๐ค๐š ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐ž๐ฒ๐ง๐š ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐š๐› ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š๐ง๐ฎ ๐ฅ๐ž๐ž๐ง๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ก๐š๐๐๐ข๐ข ๐š๐š๐ง๐š๐ฒ ๐๐š๐๐ค๐š๐š๐ฌ๐ข ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐š๐ง๐š๐ฒ๐ง ๐ฐ๐š๐š ๐ข๐ง ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ฆ๐š๐ฌ๐ญ๐š๐š๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š ๐๐š๐๐ค๐š.

๐‡๐š๐๐๐ข๐ข ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š๐ฒ๐š๐๐š ๐ญ๐š๐›๐š๐š๐ฅ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ง ๐š๐š๐ง๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š ๐ฎ ๐ช๐š๐›๐š๐ง๐š๐ฒ๐ง ๐ฑ๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐ข๐ง ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐๐ž๐  ๐๐ž๐  ๐š๐ก ๐ค๐š ๐ช๐š๐š๐๐šโ€