Home Blog Page 328

Musharax Cirro Oo Itoobiya U Yeedhay

0

Musharax Cirro oo galabta safar deg deg ugu baxay dalka Itoobiya

Cabdiraxmaan Cirro oo maalin kadib soo laaban doona ayaa wararku sheegayaan inuu martiqaad rasmi ah ka helay dawlada Federaalka Itoobiya .

Cirro ayaa la filayaa inuu kalamo la yeelan doono masuulyiinta ugu sareysay dawlad Federaalka Itoobiya

Sidoo kale marka uu Cirro soo laabto waxaa la filayaa in madaxweyaha Somaliland safar kaasi la mid ah ku tagi doono Addis Ababa .

Dawlada Itoobiya ayaa la filayaa inay kala hadasho labadan masuul khilaafka culus ee ka taagan doorashooyinka Somaliland .

Arintan ayaa ku soo beegantay wakhti khilaaf xoogan ka taagan yahay arimaha doorashooyinka Somaliland , waxaana toobiya u muuqataa inay soo dhex gashay dhex dhexaadinta Khilaafkan .

Ilays News

ONLF oo war Kasoo sartay Dagàalkii Liyuuga iyo Shabab

0

ONLF oo war Kasoo sartay Dagàalkii Liyuuga iyo Shabab

Gudoomiyaha ururka ONLF Halgame riyaale xaamud axmed ayaa xafiiska ururka kuqabtay shir jaraa,id.

Shirka jaraa,id ee gudoomiyaha ururki qabtay ayaa wuxuu kaga hadlay, ugu horayn tacsi uu udiray waalidki iyo shacab waynaha wiilashi ushihiiday difaaca dhulkooda iyo dadkooda,

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa bogadiyay dhaman ciidanka deegaanka ee liyuboliska iyo xukuumada deeganka,

Hadalka gudoomiyaha oo dhamaystiran halkan kadaawo,

Deeq abdi Goday

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub.

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Adam Xaaji Cali Axmed, ayaa kulan xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb Tiina Intelmann.

Kulanka ay Safiiradu ku soo booqatay Guddoomiyaha ayaa ujeedadiisu daarnayd is-xog-waraysi ku qotoma xaalada guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, geesta kale waxa kulanka lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wanaagsan iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Hay’adda Garsoorka iyo Midowga Yurub.

Wa bilaahi tawfiiq.

Qodobo Kasoo Baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland

0

Fadhigii 96aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagaga hadlay qodobbo door ah.

Ugu horreyn, goluhu waxa uu war-bixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu ka xog-warramay xaaladda amniga dalka.

Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo golaha uga xog-warramay geeddi-socodka diyaarinta miisaaniyad sannadka 2023-ka iyo meelaha ay miisaaniyaddu muhiimadda saarayso, sidoo kale wasiirku waxa uu golaha la wadaagay war-bixinta shirka madasha dhaqaalaha Somaliland (Somaliland Economic Forum) kaasi oo la qabandoono horaanta bisha September ee sannadkan.

Dhinaca kale, Wasiirka Caddaalladda Somaliland mudane Saleebaan Warsame Guuleed ayaa golaha wasiirrada horkeenay xeerka Adeegga Kaalmada ee dadka aan qabsan Karin Qareen udooda, xeerkan oo ay wasaaradu la kaashatay diyaarintiisa xafiiska Garyqaanka Guud ayaa wasiirku waxa uu sharraxay qaybaha uu ka kooban yahay iyo muhiimadda uu u leeyahay dadka aan awoodin in ay qabsadaan Qareen udooda.

Gaba-gabaddii shirka, golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo doodiisu golaha ka socotay fadhiyadii golaha ee kan ka horreeyey, waxana oggolaaday 29 xubnood, waxa diiday 2 xubnood, cid ka aamustayna may jirin, sidaasina uu ku ansaxay xeerkaasi.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Sababta Wasiirro Laga Hor Istaagay Ka Qayb Galka Dhagax-dhiga Waddada Jarrato Ee Saaxil.

0

Sababta Wasiirro Laga Hor Istaagay Ka Qayb Galka Dhagax-dhiga Waddada Jarrato Ee Saaxil

Wasiirro ka tirsan Xukumadda Madaxwayne Biixi oo uu hogaaminaayo Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo damacsanaa ka qayb galka munaasibada dhagax-dhiga waddada jarrato ee ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ayaa cabsi darteed waxay ay uga baaqdeen munaasibadaasi, kadib markii hanjabaado iskaga soo daba dhaceen qaar kamid ah odayaasha iyo dad wayne kale ee kasoo jeeda deegaanka laga samaynaayay dhagax-dhiga.

Wasiirradan lagu sameeyay hor istaaga oo kala ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani iyo Wasiirk Gaadiidka iyo Horumarinta Jidaddka Cabdirisaaq Ibraahim ayaa adayaasha deegaanku wacad uga mareen in ay kasoo qayb galaan madasha dhagax-dhiga.

Sababta Wasiirradan looga hor istaagay ayaa lagu sheegay in aanay Xukumadda dhexe uga sidin wax qaadhaan ah oo ay kaga qaybqaadanayso waddada isla markaana ay doonayaan in ay ku galaan sawirro kaliya kagana hadlaan dano siyaaasadeed, waxaanay odayaashu go’aan ku gaadheen in aanay fooda soo galin goobta sidaana ay kaga maqnaadaan.

Odayaasha deegaanka Saaxil ee talaabadaasi qaaday oo aan la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday in si rasmi ah ay uga hadlaan arinkaasi, waxaanay i xaqiijiyeen in dhacdadani ay jirto oo yagu ay diideen in wasiirradu ay goobta yimaadaan. sababta ay talaabadan u qaadeen ay tahay in wasiiradani ay yihiin kuwo aan xukumadda waxba uga keeni karin oo awoodoodu ay xadidan tahay.

Wasiir Siciid Sulub oo sagu kasoo jeeda deegaanka laga dhagax-dhigaayay waddada, muddo dheerna kasoo shaqaynaayay qaban qaabada dhagax-dhigas Jarrato balse aan wax maal ah ku bixin ayay odayaashu si gaar ah u bartilmansadeen inaanu iman karin madasha, taas oo sababta in Wasiir Sulub ay saamayn khaasa ku yeelato, kuna noqoto fajac iyo amakaag in la hor istaago.

Dhinaca kale Didma lagu hayay wasiirrada uu hor kacaayay Siciid Sulub waxa ay sababtay in ay goobta ka maqnaadaan masuuliyiintii dhismaha waddada jarrato gacanta ku hayay oo uu ka mid ahaa Agaasimihii hore wasaarada Biyaha Maxamed Dirir.

Qore:- Ahmed-nuur Samraawi

Badhasaabkii hore ee Gobolka Hawd Axmed Cige Yare Oo Geetiyooday AHN

0

Alle ha unaxariistee waxa saaka geeriyooday Badhasaabkii hore ee Gobolka Hawd Axmed Cige Yareoo in dhaweyd u jiifay xanuun asiibay.

Waxa uu hawlo caafimaad ugu maqnaa dalka India.

Marxuumku waxa uu ahaa qof degan, cibaado badan isla markaana ka shaqayn jiray wanaaga bulshada dhexdeeda.

khadar Horyaal

Xukuumadda iyo Bulshada oo iska Kaashanaya Tayeynta Qalabka Sifeynta Kelyaha

0

Xukuumadda iyo Bulshada oo iska Kaashanaya Tayeynta Qalabka Sifeynta Kelyah

Hargeysa – Xukuumadda Somaliland qurbajoogta dalka iyo ganacsatada ayaa iska kaashanaya tayaynta kordhinta qalabka sifaynta kelyaha cisbitaalka Hargeysa iyo dhismaha xarun cusub oo loogu adeego bukaanka u baahan Kelyo sifeynta.

Iyada oo xilligan qaybtii kelyo sifeynta ee shaqeynaysay duugowday, isla markaana loo baahday qalab cusub iyo dhisme cusub oo sidii kuwaa hore bukaanka bilaash u ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu sameynayo dhisme cusub iyo qalabayn waaxda sifeynta kelyaha ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kadib markii fariin qaylo dhaan ahi uga timid maamulka cisbitaalka.

Agaasimaha guud waxa uu tilmaamay in ay arrintaasi iska kaashanayaan xukuumadda Somaliland, qurba-jooga dalka iyo ganacsato.

Waxaanu yidhi.“In dadka Kelyaha loo sifaynayo oo kharashka ku baxaya oo mid balaadhan ah Qaranka Somaliland ayaa damaanad qaaday, iyada oo dhaqaalaheenu yar yahay iyada oo adeeg bixinteena caafimaad ay kooban tahay, haddana waxa aynu dusha u ridanay oo xukuumadda Somaliland dusha u ridatay in aan dadka Kelyaha loo sifaynayo aan la waydiin wax lacag ah, markaad eegto waddamada innagu xeeran oo dhan meel ay sidaasi bilaash u tahay sifaynta Kelyuhu ma jirto, taasina waa ammaan uu leeyahay Qarankeenu iyo dadkeena iyo xukuumaddeenu ay leedahay weeyaan.

Marka meeshiii sidaasi ahayd ee hore waxa inagala qayb qaatay Imaaradka oo inoo sameeyay qaybtaasi oo toban mishiin oo cusubi yaaleen oo shaqaynaysay, qaybteedii mishiinadeedii way duugoobeen dhismihiina wuu duugoobay, marka wasaaraddu waxa ay go’aansatay in dalabkii cisbitaalka uga yimid ay ka soo jawaabto ee ahaa in la hagaajiyo qaybtii ay ku shaqaynayeen Kelyuhu dhisme ahaan laydh ahaan iyo biyo ahaanba isla markaana la balaadhiyo.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in uu qalab soo socdo oo laba dhinac oo kala duwan ka soo socdo qalab jaaliyaduhu inoogu deeqeen oo la dhigi doono halkan cisbitaalka Hargeysa, waxa jira qalab iyaduna wasaaraddu iibin doonto oo ganacsatada qaar iibin doonaan mishiinadii biyaha sifaynayay, iyo shan mishiin oo kale oo wasaaraddu hawshooda gacanta ku hayso iibin doontana isla markaana lagu kabi doono tayada iyo awoodda sifaynta Kelyaha, dhab ahaantii meelaha ugu ajarka badan ay ka mid tahay in dadka kelyaha u buka la eego, qalabkooda iyo daawadoodana maalinkasta qofkasta qalab cusub ayuu isticmaalaya oo la rabaa in loogu sifeeyo kelyaha”