Khilaaf Ka Dhex Taagan Hogaanka Xisbiga WADDANI iyo Masuuliyiin Cadho Kaga Maqan

0
191

 

Xisbiga ugu wayn Macaaridka Somaliland ee WADDANI ayaa waxaa hadheeyay mudooyinkii danbe kala shaki siyaasadeed, kaas oo yimid kadib markii masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xisbigaasi aan lala socodsiin shirir ay yeesheen xubno ka mid ah hogaanka Xisbigu, taaso oo ay ka cadhoodeen xubnaha laga xan qarsaday.

Masiiliyiinta ka cadhooday xisbi WADDANI oo uu hogaaminaayo Wasiirkii hore warfaafinta C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa salka ku haya kadib markii lagaga xan-qarsaday kulamo xisbugu uu ku abaabulaayay mudaharaadkii masuuliyiinta badan laga xidh-xidhay ee dhacay 9, si kadis ahna loogu war-galiyay inay kasoo qayb galaan mudaharaadka, taas oo sababtay in cukuse ka mid noqdo masuuliyiintii la xidh-xidhay.

Khalaafka ka dhex qarxay masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo mudo huursanaa ayaa dabada usoo baxay ka dib markii casuumad loo sameeyay masuuliyiintii mucaaridka ee jeelka lagasoo daayay ay xubnihii uu hogaaminayay Cabdilaah Cukuse ay kaga garnaqsadeen goobtaasi fagaaraha ahayd, waxa ay saluugeen iyo shirarka aan lala socodsiin, kuwaas oo hogaanka xisbiga kala kulmay jawaab aanay filayn.

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI mudane Xirsi Cali Xaji Xasan oo goobtaasi kula hadlay masuuliyiinta tabashada muujiyay ayaa la sheegay inuu ku war-galiyay inay sidaasi Xisbiga kula joogan oo kula shaqeeyaan ama ay iskaga baxaan oo kidinka boobaan.

Dhinaca kale Musharaxa Maxadwayne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo goobta ku sugnaa ayaa kala dhexgalay Xirsi iyo xubnaha waxtabanaayay waxaanu amar ku bixiyay in la joojiyo isla markaasnay la tirtiro dhamaan khudbadihii goobtaasi laga jeediyay oo ahaa kuwo si adag la iskula hadlay oo aan waxba la iskula hadhin, taas oo sababtay in masuuliyiinta qudbadahooda la dhigay ee tabashada hore qabay ay ka cadhoodaan.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo isagu sid adag ula hadlay hogaanka Xisbiga oo aan waxba u reebin lana tuuray qudbadiisi gar-naqsiga ahayd ayaa ilaa malintii arinkaasu dhacay kadib cadho kaga maqan Xisbiga, waxaanu u baxay dalka dibadiisa.

Wasiir hore cukuse oo aan xidhiidh la sameeyay si aan wax uga waydiiyo arinkaasi waxaanu hadal igu soo koobay in uu hada xaalad caafimaad ku jiro, kunasoo laabtay Magaalada Hargeysa.

By Ahmed-nuur Samraawi