Sababta Wasiirro Laga Hor Istaagay Ka Qayb Galka Dhagax-dhiga Waddada Jarrato Ee Saaxil.

0
170

Sababta Wasiirro Laga Hor Istaagay Ka Qayb Galka Dhagax-dhiga Waddada Jarrato Ee Saaxil

Wasiirro ka tirsan Xukumadda Madaxwayne Biixi oo uu hogaaminaayo Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo damacsanaa ka qayb galka munaasibada dhagax-dhiga waddada jarrato ee ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka Saaxil ayaa cabsi darteed waxay ay uga baaqdeen munaasibadaasi, kadib markii hanjabaado iskaga soo daba dhaceen qaar kamid ah odayaasha iyo dad wayne kale ee kasoo jeeda deegaanka laga samaynaayay dhagax-dhiga.

Wasiirradan lagu sameeyay hor istaaga oo kala ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani iyo Wasiirk Gaadiidka iyo Horumarinta Jidaddka Cabdirisaaq Ibraahim ayaa adayaasha deegaanku wacad uga mareen in ay kasoo qayb galaan madasha dhagax-dhiga.

Sababta Wasiirradan looga hor istaagay ayaa lagu sheegay in aanay Xukumadda dhexe uga sidin wax qaadhaan ah oo ay kaga qaybqaadanayso waddada isla markaana ay doonayaan in ay ku galaan sawirro kaliya kagana hadlaan dano siyaaasadeed, waxaanay odayaashu go’aan ku gaadheen in aanay fooda soo galin goobta sidaana ay kaga maqnaadaan.

Odayaasha deegaanka Saaxil ee talaabadaasi qaaday oo aan la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday in si rasmi ah ay uga hadlaan arinkaasi, waxaanay i xaqiijiyeen in dhacdadani ay jirto oo yagu ay diideen in wasiirradu ay goobta yimaadaan. sababta ay talaabadan u qaadeen ay tahay in wasiiradani ay yihiin kuwo aan xukumadda waxba uga keeni karin oo awoodoodu ay xadidan tahay.

Wasiir Siciid Sulub oo sagu kasoo jeeda deegaanka laga dhagax-dhigaayay waddada, muddo dheerna kasoo shaqaynaayay qaban qaabada dhagax-dhigas Jarrato balse aan wax maal ah ku bixin ayay odayaashu si gaar ah u bartilmansadeen inaanu iman karin madasha, taas oo sababta in Wasiir Sulub ay saamayn khaasa ku yeelato, kuna noqoto fajac iyo amakaag in la hor istaago.

Dhinaca kale Didma lagu hayay wasiirrada uu hor kacaayay Siciid Sulub waxa ay sababtay in ay goobta ka maqnaadaan masuuliyiintii dhismaha waddada jarrato gacanta ku hayay oo uu ka mid ahaa Agaasimihii hore wasaarada Biyaha Maxamed Dirir.

Qore:- Ahmed-nuur Samraawi