Home Blog Page 326

Gudoomiyashaa Doolo iyo Mudug oo soo saaray War saxaafadeed ku saabsan Wada shaqaynta Labada Dhinac.

0

Gudoomiyashaa Doolo iyo Mudug oo soo saaray War saxaafadeed ku saabsan Wada shaqaynta Labada Dhinac

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo safar shaqo ku jooga Degmada Galdogob ayaa Shir dhinaca Amniga ah la qaatay Masuuliyiinta iyo Laamaha Amniga Gobolka Doollo.

Shirkan looga hadlayey dhinacayada Amniga iyo wadashaqaynta ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob iyo ku xigeenkiisa, dhinaca Gobolka Gudoomiyaha Gobolka Doollo Mubarak Axmed Maxamed, Taliyayaasha Dhinacyada amniga iyo Siyaasada Gobolka Doollo, inta uu socday Kulankan ayaa masuuliyiinta Gobolka Doollo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ku wareejisay gaari horay looga dhacay Degmada Gaalkacyo.

Shirkan oo saacado socday ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka hoos ku qoran.

In la xoojiyo wadashaqaynta dhinacyada Masuuliyiinta Gobolada Doollo iyo Mudug.

is waydaarsiga xogaha dhinacyada amniga ee Laamaha Amniga Gobolka Mudug iyo Doollo.

isu soo qabashada dadka ukala baxsada Gobolada Mudug iyo Doollo ee isugu jira Tuhunsanayaasha iyo Eedaysanayaasha si loo ilaaliyo Amniga Bulshooyinka

Joojinta iyo la dagaalanka Maandooriyaha oo ay xaaran tinimaysah Diinta islaamka kaa oo ka soo gudba dhinaca Gobolka Doollo dhibaatana ku ah Xasiloonida iyo Nabada Bulshada Deegaanada.

In dib-udayactir lagu sameeyo dhinacyada isgaarsiinta xuduudaha labada Gobol si ay ufududaato helida Xogaha Amni.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA MUDUG

Muxuu Murashax Cirro Itoobiya Kala Soo Kulmay

0

Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Galabta Dalka Dib Ugu Laabtay, Kadib Markii Ay U Soo Dhammaatay Booqasho Qaadatay Laba Maalmood Oo Uu Ku Tagay Caasimadda Dalka Itoobiya Ee Adis-ababa.

Musharax Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Khamiistii Ka Raacay Garoonka Diyaaraddaha Ee Caasimadda Hargeysa Diyaarad Gaar Ah Oo Ay Dawladda Itoobiya U Soo Dirtay, Kadib Markii Uu Marti Qaad Rasmiya Uu Ka Helay Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Ee Dalka Itoobiya Dr Abiya Axmed, Ayaa Intii Ku Sugnaa Caasimadda Dalka Itoobiya Ee Adis-ababa kulanno Kala Duwan La Yeeshay Raysal-wasaare Dr Abiya Axmed Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Dalkaas Iyo Dublamaasiyiin Badan Oo Ka Mid Ah Safiiradda Kala Duwan Ee Caasimadda Adis-ababa U Jooga Dalalkoodda.

Dr Cabdiraxmaan Cirro Kulannadda Uu La Yeeshay Raysal-wasaare Dr Abiya Axmed Iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya, Ayaa Ahaa Qaar Si Weyn Diiradda Loogu Saaray khilaafka Siyaasaddeed Ee Ka JSL Lanna Xidhiidha Dib U Dhac Ku Aaddan Qabsoomidda Doorashadda Madaxtooyadda.

Dr Abiya Axmed, Ayaa U Caddeeyey Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Inay Isaga Iyo Xukuumaddiisa Ay Si Weyn Uga Go’an Tahay Soo Af-jarista khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan Iyo Qabsoomidda Doorashadda Madaxtooyadda Ee JSL, Isla-markaana Uu Soo Af-jarista khilaafka Siyaasiga Ah Ee Dalka U Magacaabay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya.

Dr Abiya Axmed Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya, Ayaa Geesta U Sheegay Dr Cabdiraxmaan Cirro Inay Xukuumaddiisu Marnaba Raali Ka Ahayn Inay JSL Ka Dhacaan Dhibaatooyin Ay Sababaan khilaafka Ka Dhashay Qabsoomidda Doorashooyinka. Iyaddoo Uu Tilmaamay Inay Somaliland Dalkiisa La Waddaagto Xudduud Aad U Dheer, Isla-markaana Ay lagama Maarmaan Ay Tahay In Si Dhakhso Ah Oo Soo Af-jaro khilaafka Siyaasaddeed Ee Doorashadda Madaxtooyadda Ka Dhashay Si Man-daqadda Geeska Afrika U Deganaato, Sidda Darteedna Uu Soo Af-jarista khilaafka Siyaasiga Ah Ee Dalka Somaliland U Magacaabay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya.

Dhanka kale Waxa Maalmaha Soo Socda La Filayaa Inuu U Safarro Dalka Itoobiya Caasimaddiisa Adis-ababa Madaxweyne Biixi Oo Isna Marti Qaad Rasmiya Ka Helay Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya Dr Abiya Axmed. Iyaddoo Isla Siddan Oo Kale Looga La Soo Hadlayo khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan Iyo Doorashadda Madaxtooyadda.

Xogta Rasmiga Ah Ee Ay Heshay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net, Ayaa Shaaca Ka Qaaday Inuu Isna JSL Dhawaan Imanayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya Oo Uu Dr Abiya Axmed U Magacaabay Wakiilka Soo Af-jarista khilaafka Siyaasiga Ah Ee Dalka.

Geesta kale Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa kulanno Kala Duwan La Yeeshay Dublamaasiyiin Badan Oo Ka Mid Ah Safiiradda Kala Duwan Ee Caasimadda Adis-ababa U Jooga Dalalkoodda, Gaar Ahaan Midowga Reer Yurub, kuwaasoo Dhammaantood-ba Ay Ka Mid Yihiin Daneeyeyaasha Hanaanka Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Tifaftire Khaddar Ali Khum “Shiine”
Qumannews.net.
Har/Office.

 

Liyuu Booliska oo sheegay In La Dilay Saraakiisha Shabaab

0

Liyuu Booliska oo sheegay In La Dilay Saraakiisha Shabaa

warkan ayey inala waadaageen

“Alshabaab oo hoog iyo halaag lagu riday lagana laayay madax ku sheegtii hoggaaminaysay.

Saddex kamid ah hogaamiyayaasha kooxda alshabaab oo uu ku jiro madaxii ololaha iyo dacaayadaha Al-Shabaab Fuaad Maxamed Khaliif ayaa la dilay.

Ciidanka Xoogga Gaarka ah DDS iyo ciidanka cirka dalka oo iskaashanaya ayaa maanta dilay 3 ka mid ah Hoggaaminta kooxda alshabaab, kana burburiyay kaydad Hub iyo Saanada ah oo ay kooxdu ugu tala galeen in ay ku fuliyaan weeraro ay wadanka u soo maleegayeen.

Saraakiisha sarsare ee ka tirsan alshabab ee la dilay waxaa ka mid ah

1.Fuaad Maxamad Khalif (sheengole) madaxa ololaha iyo dacayadaha ee koxda alshabab

2.Cabdul-caziz Abu Muussa Afhayeenka kooxda alshabab
3.Cubayda Nuur Ciise madaxa koxda alshabaab ee gobolka Bakool iyo xuduuda Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland Oo Curashada Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1444-ka. hambalyeeyey

0

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1444-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan Berri oo Sabti ah, taariikhda Milaadiga ahina tahay 30/07/2022.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka iyo Shacbiga Somalilandba u rajaynayaa in Sannadkan cusubi ula kowsada Barwaaqo iyo Horumar aynu sannadka sannadkiisa ku gaadhno, kagana baxno Abaaraha soo noq-noqday.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.