Muxuu Murashax Cirro Itoobiya Kala Soo Kulmay

0
170

Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Galabta Dalka Dib Ugu Laabtay, Kadib Markii Ay U Soo Dhammaatay Booqasho Qaadatay Laba Maalmood Oo Uu Ku Tagay Caasimadda Dalka Itoobiya Ee Adis-ababa.

Musharax Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Khamiistii Ka Raacay Garoonka Diyaaraddaha Ee Caasimadda Hargeysa Diyaarad Gaar Ah Oo Ay Dawladda Itoobiya U Soo Dirtay, Kadib Markii Uu Marti Qaad Rasmiya Uu Ka Helay Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Ee Dalka Itoobiya Dr Abiya Axmed, Ayaa Intii Ku Sugnaa Caasimadda Dalka Itoobiya Ee Adis-ababa kulanno Kala Duwan La Yeeshay Raysal-wasaare Dr Abiya Axmed Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Dalkaas Iyo Dublamaasiyiin Badan Oo Ka Mid Ah Safiiradda Kala Duwan Ee Caasimadda Adis-ababa U Jooga Dalalkoodda.

Dr Cabdiraxmaan Cirro Kulannadda Uu La Yeeshay Raysal-wasaare Dr Abiya Axmed Iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya, Ayaa Ahaa Qaar Si Weyn Diiradda Loogu Saaray khilaafka Siyaasaddeed Ee Ka JSL Lanna Xidhiidha Dib U Dhac Ku Aaddan Qabsoomidda Doorashadda Madaxtooyadda.

Dr Abiya Axmed, Ayaa U Caddeeyey Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Inay Isaga Iyo Xukuumaddiisa Ay Si Weyn Uga Go’an Tahay Soo Af-jarista khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan Iyo Qabsoomidda Doorashadda Madaxtooyadda Ee JSL, Isla-markaana Uu Soo Af-jarista khilaafka Siyaasiga Ah Ee Dalka U Magacaabay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya.

Dr Abiya Axmed Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya, Ayaa Geesta U Sheegay Dr Cabdiraxmaan Cirro Inay Xukuumaddiisu Marnaba Raali Ka Ahayn Inay JSL Ka Dhacaan Dhibaatooyin Ay Sababaan khilaafka Ka Dhashay Qabsoomidda Doorashooyinka. Iyaddoo Uu Tilmaamay Inay Somaliland Dalkiisa La Waddaagto Xudduud Aad U Dheer, Isla-markaana Ay lagama Maarmaan Ay Tahay In Si Dhakhso Ah Oo Soo Af-jaro khilaafka Siyaasaddeed Ee Doorashadda Madaxtooyadda Ka Dhashay Si Man-daqadda Geeska Afrika U Deganaato, Sidda Darteedna Uu Soo Af-jarista khilaafka Siyaasiga Ah Ee Dalka Somaliland U Magacaabay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya.

Dhanka kale Waxa Maalmaha Soo Socda La Filayaa Inuu U Safarro Dalka Itoobiya Caasimaddiisa Adis-ababa Madaxweyne Biixi Oo Isna Marti Qaad Rasmiya Ka Helay Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya Dr Abiya Axmed. Iyaddoo Isla Siddan Oo Kale Looga La Soo Hadlayo khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan Iyo Doorashadda Madaxtooyadda.

Xogta Rasmiga Ah Ee Ay Heshay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net, Ayaa Shaaca Ka Qaaday Inuu Isna JSL Dhawaan Imanayo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibadda Ee Dalka Itoobiya Oo Uu Dr Abiya Axmed U Magacaabay Wakiilka Soo Af-jarista khilaafka Siyaasiga Ah Ee Dalka.

Geesta kale Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa kulanno Kala Duwan La Yeeshay Dublamaasiyiin Badan Oo Ka Mid Ah Safiiradda Kala Duwan Ee Caasimadda Adis-ababa U Jooga Dalalkoodda, Gaar Ahaan Midowga Reer Yurub, kuwaasoo Dhammaantood-ba Ay Ka Mid Yihiin Daneeyeyaasha Hanaanka Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Tifaftire Khaddar Ali Khum “Shiine”
Qumannews.net.
Har/Office.