RA’IISUL WASAARE XAMSA OO SOO XIRAY WAJIGA LABAAD EE MADASHA ARAGTI-WADAAGGA HERITAGE.

0
18

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO SOO XIRAY WAJIGA LABAAD EE MADASHA ARAGTI-WADAAGGA HERITAGE

 

Muqdishi, Maarso 05, 2024: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray wajiga labaad ee Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayey kobcinta dhaqanka nabadda Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah looga dooday caqabadaha ku xeeran dadka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday iyo fatahaadaha aafeeyay dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay guulaha dowladdu ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, deyn cafinta iyo qaadista cunaqabatayna hubka, isagoo tilmaamay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dhammeystirka dastuurka, dib u heshiisiinta iyo xoojinta amniga.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dheeraaday sida ay lagama maarmaan u tahay in Soomaalidu ay si dhab ah u wada hadasho oo iyadu heshiiso, si loo helo dib-u- heshiisiin dhab ah oo waarta. Waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira geeska Afrika ee ay ugu waa-weyn yihiin argagixisada, daganaansho la’aanta siyaasadeed iyo damacyo dhaqaale ay caqabad ku noqotay horumarkii uu gobolku sameyn lahaa.

 

DHAMMAAD