Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL oo Xarunta Golaha Wakiillada ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace

0
18

Garoowe, Maarso, 05, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said ayaa Xarunta Golaha Wakiillada ku qaabilay Madaxweynaha Hay’adda Interpeace Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 

Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid iyo Mudane Itonde Abraham Kakoma ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u yeelan lahaayeen hay’adda Interpeace iyo Golaha Wakiillada Puntland.

 

Madaxweynaha hey’adda Interpeace ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uga mahadceliyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta uu u sameeyey, wuxuuna balanqaaday in uu si dhow ula shaqeyn doonaan Golaha Wakiillada Puntland.

Xubnaha Wafdiga waxaa kamid ahaa sidoo kale Ms. Renee Lariviere; Madaxa Mashaariicda, Ahmed Abdirahman Baadiyow wakiilka Hay’adda ee Somalia, AU iyo IGAD iyo Wakiilka Interpeace ee Puntland Mr. Abdirahman Bihi, sidoo kale kulanka waxaa ka qayb galay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Md. Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

 

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa Mudane Itonde Abraham Kakoma iyo hay’adda uu madaxda ka yahay uga mahadceliyay shaqooyinka kala duwan ee ka hayaan dalka, wuxuuna ku booriyey in ay sii laba jibaaraan.

 

-DHAMMAAD-