Somaliland Oo Sheegtay In Uu Meel Fiican Marayo Dhamayso Tirka Heshiiskii Itoobiya

0
27

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Marreexaan, ayaa sheegay in dhammeystirka heshiiska Somaliland iyo Itoobiya meel fiican marayo.

 

Waxaanu yidhi.”Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin iskaashi ganacsi, mid amni iyo mid xidhiidh oo muddo soo jiray, wayna ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa arrintaas.

 

Diyaarinta iyo dhammaystirka heshiiska Somaliland iyo Itoobiya si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso ahna waa loo gebagebayn doonaa, dhowaanna waxa la horgeyn doonaa labada gole Baarlamaan ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqangal ku noqon doonaa.”