“UK ma Awoodo inay u Dhegoolayso Dalabka Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland” Alexander Stafford

0
24

“UK ma Awoodo inay u Dhegoolayso Dalabka Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland” Alexander Staffor

 

Qore: Cumar M. Faarax

 

London – Mudane Alexander Stafford oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo ka mid ah xisbiga Conservative-ka, ayaa sheegay in aanay UK awoodin inay u dhegoolayso dalabka aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo muhiim u ah xulafada Ingiriisku u baahan yahay.

 

Xildhibaanku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay wargeysyada London, waxaanu ku booriyay dawladda Ingiriiska inay taageerto dalalka dimuqraadiga ah ee mandaqada Geeska Afrika ee saaxiibka la ah Ingiriiska oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wuxuu ku dooday in Geeska Afrika uu xilligan muhiim u noqday walaaca laga qabo xasaradaha ay kooxda Xuutiyiintu ka wadaan badda cas iyo khataraha budhcad baddeeda iyo Argagixisada.

 

Alexander Stafford wuxuu iftiimiyay in Jamhuuriyadda Somaliland uu ceegaago khayraadkeeda dabiiciga ah oo ay ka mid yihiin macdanta iyo baatroolka oo aan far la saarin.

 

“Ma awoodno inaynu u dhegoolayno muddo intaas ka badan dalabka Somaliland ee ku wajahan aqoonsiga,”ayuu yidhi Xildhibaan Alexander Stafford.

 

Waxa kaloo uu ka warramay sooyaalkii siyaasadeed iyo xornimo ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland uu xukumi jiray Ingiriisku oo ay Soomaaliya ku biirtay markii madax-bannaanidooda ka qaateen UK.

 

“Somaliland waxa ay Soomaaliya ka mid ahayd 1960kii illaa laga gaadhay 1991kii, xiligaasi oo ummadda reer Somaliland ay qaateen qaraar geesinimo leh oo ay madax-bannaanidoodii kala soo noqdeen Soomaaliya, taasi oo ahayd tallaabo u wanaagsan dalkooda iyo dadkooda oo ay doonayeen inay soo gaadhsiiyaan heerarka caalamiga ah ee adduunka,”ayuu yidhi Xildhibaanku.

 

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray; “Si ka duwan dalal badan oo jaarkooda ah Somaliland waxa ay ku naalloonaysay badqab iyo inay u kifaaxday dimuqraadiyad nooceedu shabaho ta dalka Ingiriiska. Bisha November ee Sannadkan 2024, waxa ay Somaliland qabsanaysaa doorasho madaxtooyo oo daah-furan, iyadoo sannadkii 2021kii ay ka qabsoomeen doorashooyin tusaale wanaagsan u ah hufnaanta doorashooyinka.”

 

Xildhibaan Alexander Stafford wuxuu ku majeertay Somaliland Maxkamadda sare ee Somaliland oo uu tilmaamay inay leedahay awood buuxda, wuxuuna xusay inay maxkamaddu ay xaqiijisay doorashadii madaxtooyada ee ka qabsoontay Somaliland sannadkii 2017kii, taasi oo si nabdoon xukunka loola kala wareegay.