Maxaanad Ogeyn oo saaka ka dhacay Golaha Wakiilada Somaliland ?

0
28

Maxaanad Ogeyn oo saaka ka dhacay Golaha Wakiilada Somaliland ?

Xildhibaanada labada xisbi Mucaarid iyo Ururka KAAH ee Golaha wakiilada waxay saaka sameeyeen dhoolatus awoodeed .

 

Bilowgii Fadhiga waxaa mar qudha ka dareeray xildhibaanada Muuse Biixi daacada u ah si aanu kooramku u furmin , balse taasi wax caqabad ah may keenin .

 

Xildhibaanada Mucaarid oo kaliya ayaa kooramkii buuxsadey iyagoo kor u dhaafay 50 Muddane .

 

Intaas kadib Xildhibaanada aqlabiyada Mucaaridka ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyey in fadhigii saaka lagaga doodo xaalada guud ee dalka , taas oo ilaa Sabtida sii socon doonta .

 

Kal-fadhigan saaka ee Golaha wakiilada waxaa kaliya oo joogey Xildhibaanada mucaaridka iyo Ururka KAAH oo ka badnaa 50 Xildhibaan , waxaana Golaha ka dareeray Xildhibaano kooban oo daacad u ah Madaxweyne Muuse Biixi .

 

Xigasho: Ilays News