Ujeedada Kulan Muqdisho Ku Dhex Maray Raysal Wasaaraha Somalia Iyo Dawlada Uk

0
27

Muqdisho, Janaayo 10, 2024;- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ka dhaxeeya labada dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iyo is garab taagga ilaalinta madax-banaannida, gobannimada iyo midnimada dhuleed iyo shacab ee Soomaaliya.