Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo kusoo maray goobo kala duwan

0
31

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo kusoo maray goobo kala duwan oo ay xukuumaddu ka waddo mashaariic horumarineed, kuwaas oo ku yaalla gudaha caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo madax ka tirsan xukuumadda, ayaa saaka kormeer shaqo kusoo maray goobo ay kamid yihiin Berkedo cusub oo ay wakaalladu biyuhu ka hirgelisay degmooyinka caasimadda, si loo fududeeyo dedaalka loogu jiro inay caasimaddu hesho biyo ku filan, madaarka Cigaal International Airport iyo mad-xafka Qaranka, waxana uu soo indho indheeyey hannaanka ay mashaariicdaa Qaranku u socdaan.

Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeerkiisa kusoo maray Berked cusub oo keydka biyaha ah oo loo qoondeeyey inay keydiso biyaha ay cabbi doonaan shacabka ku dhaqan degmada A/dhagax, taas oo dhismaheedu gebogebo ku dhaw yahay, waxana uu halkaas warbixin kaga dhegaystay maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood iyo qaar kamid ah saraakiisha gacanta ku haya dhismaha Berkedda Keydka Biyaha, kuwaas oo ku dheeraaday dedaalka ay ugu jiraan sidii caasimadda looga haqab-tiri lahaa Biyaha.