𝗔𝗳𝗮𝗿 𝘀𝗮𝗻𝗻𝗼 𝗸𝗮 𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗥𝗮𝗱𝗶𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗹𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮 𝗺𝘂𝘂𝘀𝗶𝗴𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝗲𝗲 𝗮𝘆 𝗰𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗸𝘂 𝗮𝗵𝗮𝘆𝗱.

0
46

𝗔𝗳𝗮𝗿 𝘀𝗮𝗻𝗻𝗼 𝗸𝗮 𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗥𝗮𝗱𝗶𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗹𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝗮 𝗺𝘂𝘂𝘀𝗶𝗴𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲 𝗲𝗲 𝗮𝘆 𝗰𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗸𝘂 𝗮𝗵𝗮𝘆𝗱

 

W/Q: Jamaal Macalin

 

Bilowgii bishii Decembar 𝟮𝟬𝟭𝟵 oo uu wasaaradda warfaafinta wasiir ka ahaa Cabdilaahi Maxamed Daahir (𝗖𝘂𝗸𝘂𝘂𝘀𝗲) ayaa isaga iyo madaxdii waaxyaha ee xiligaasi waxay isla qaateen in la badalo muusigii uu ku soo gali jiray warka 𝗥𝗮𝗱𝗶𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 iyo ka 𝗧𝗩-ga 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝘂.

 

Muusigaas hore wuxuu ahaa hees la odhan jiray Alloow waaa kugu mahad, taas oo uu eryadeeda lahaa AHN abwaan Ismaaciil Cabadi Ibraahin (𝗕𝗮𝘀𝗯𝗮𝗮𝘀).

 

Waxa muusigaas hore lagu badalay mid cusub oo ah heesta la yidhaa 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮𝘆𝗮𝗴𝗮 𝘄𝗮𝘄 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗮𝗻𝗮𝘆𝗻𝗮𝗮, taas oo uu sameeyay AHN Ismaaciil Sheekh Axmed (𝗜𝘀𝗺𝗮𝗮𝗰𝗶𝗶𝗹 𝗖𝗮𝗴𝗮𝗳), halka laxankana lahaa AHN Cabdilaahi 𝗤𝗮𝗿𝘀𝗵𝗲. Heestaasi waxay ka mid ahayd heesihii la qaaday xiligii gobonimo doonka.

 

Kullan ku saabsanaa badalida muusigaas astaanta warka 𝗥𝗮𝗱𝗶𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 waxa in la badalo muusigii hore isku raacay 𝟱𝟳 xubnood, waxaana madasha joogay 𝟱𝟴 xubnood, taas oo macneheedu yahay in badalida muusigaas hore intii goobta fadhiday xubini diiday.

 

Markii la isla qaatay in muusiga furitaanka warka laga dhigo heestaas uu curiyay Ismaaciil Cagaf, waxa dib u tumay AHN fannaankii Maxamed Maxamuud Cige (𝗕𝘂𝗻𝘀𝗶).

 

Isla bishan 𝗗𝗲𝗰𝗲𝗺𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟯 afar sanno ka dib oo uu wasaaradda wasiir ka yahay Cali Xasan Maxamed (𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗠𝗮𝗿𝗲𝗲𝘅𝗮𝗮𝗻) ayaa go’aan wasiir wuxuu ku soo saaray in dib loo soo celiyo muusigii uu ku soo gali jiray warka 𝗥𝗮𝗱𝗶𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮 iyo 𝗧𝗩-ga 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮.

 

Muusigan dib loo soo celiyay wuxuu ka soo jeedaa hees la odhan jiray 𝗔𝗹𝗹𝗼𝗼𝘄 𝘄𝗮𝗮 𝗸𝘂𝗴𝘂 𝗺𝗮𝗵𝗮𝗱, taas oo uu eryadeeda lahaa AHN abwaan Ismaaciil Cabadi Ibraahin (𝗕𝗮𝘀𝗯𝗮𝗮𝘀).

 

𝟮𝟬/𝟭𝟮/𝟮𝟬𝟬𝟮𝟰 warka subaxnimo ayaa muusigii hore ee astaanta warka si rasmi ah ugu soo gali doonaa warka 𝗥𝗮𝗱𝗶𝗼 𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮, iyadoo sidaas oo kalena wixii imika ka dambeeya warka 𝗧𝗩-ga 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝘂….