Xuutiyiinta Yemen “Ma joojin doonno weerarada Badda Cas ilaa ay Israa’iil soo afjarayso dagaalka Gaza”

0
45

Xuutiyiinta Yemen “Ma joojin doonno weerarada Badda Cas ilaa ay Israa’iil soo afjarayso dagaalka Gaza”

Maraykanka ayaa bilaabay isbahaysi dhanka badda ah si uu uga hortago weerarrada ay Xutiyiinta Yemen ku sheegeen inay jawaab u yihiin ‘dambiyada’ Israa’iil ee marinka Gaza.

 

Xuutiyiinta Yemen ma joojin doonaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta ku xiran Israa’iil ee ku sugan badda cas, inkastoo Mareykanka uu ku dhawaaqay ciidan cusub oo ilaaliya badda si ay uga hortagaan, afhayeen u hadlay kooxda Xutiyiinta Yemen ayaa sidaas sheegay.

 

“Xitaa haddii Mareykanku uu ku guuleysto abaabulka adduunka oo dhan, howlgalladeenna millatari ma joogsan doonaan… si kasta oo aan wax u hurno ayaa nagu kacaya,” Mohammed al-Bukhaiti, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Xuuthiyiinta.

 

Khadar Mucalim Deeq

 

Aljazeea