In ka badan 110 ayaa ku dhintay dhulgariir ka dhacay gobolka Gansu ee dalka Shiinaha

0
40

In ka badan 110 ayaa ku dhintay dhulgariir ka dhacay gobolka Gansu ee dalka Shiinaha

Ugu yaraan 118 qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii dhul gariir uu ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalka Shiinaha oo ku yaalla dhul fog iyo buuraley ah, iyadoo dad badan ay guryahooda ku hurdeen.

 

Maamulka ayaa si degdeg ah u abaabulay dhowr jawaab celin oo deg-deg ah, laakiin shaqadoodu waxay ahayd mid cakiran maadaama dhulgariirku uu burburiyay waddooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, uu sababay dhul go’an badhna waxay ku aasmeen tuulo carro ah.

 

Shaqada samata bixinta ayaa sidoo kale muujisay caqabadaha heerkulka oo eber ka hooseeya, iyada oo inta badan Shiinaha ay la daalaa dhacayaan xaalado qabow ah oo aad u hooseeya.

 

Khadar Mucalim Deeq

Aljazeea