“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hay’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhiggeeda ah”Ra’iisul Wasaare Xamsa

0
83

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hay’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhiggeeda ah”Ra’iisul Wasaare Xams

 

Muqdisho, Diseembar 07, 2023 :

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaadhay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.

 

Waxaanu yidhi.“Soomaaliya waxa ay u furmaysaa caalamka, waxaa la inaga rabaa in hay’adaheenna dhammaantood ay u diyaar garoobaan masuuliyad adag, si aan ula baratanno caalamka aan la shaqaysanayno, lana nimaadno karti, aqoon iyo farsamo aan adduunka kula ganacsano”.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray bahda duulimaadyada caalamiga (Civil Aviation Community), gaar ahaan bahda duulimaadyada Soomaaliya, Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka, isagoo sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hay’adda Duulista Hawada, si ay ula tartanto hay’adaha dhigeeda ah.

 

Waxaanu yidhi.“Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey’adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhiggeeda, maantana muddo gaaban waxa aan joognaa meel fiican oo lagu faani karo, waxaa la xaqiijiyey yoolal badan oo la hiigsanayey, kuwaas oo ku hirgalay dadaalka la bixiyey”.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista iyo Heya’adda Duulista Rayidka, sare uqaadidda maamulka hawada sare oo laga soo qaaday darajada G haatanna la gaadhsiyey darajada “A” oo ah meesha ugu sareysa ee dhanka maamulka hawada sare.