Gudoomiye Faratoon Ok QaabilayWakiilada ku qaabilay Ku-Xigeenka Safiirka Denmark ee Somaliland iyo Somalia

0
73

Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda JSL Md Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta Xarunta Golaha Wakiilada ku qaabilay Ku-Xigeenka Safiirka Denmark ee Somaliland iyo Somalia Ms. Gertrud iyo Madaxa Xafiiska Denmark ee Somaliland Md Mathias.

 

Sidoo kale waxay safiiradu kulan la yeelatay Gudoomiyaha Gudida Diinta iyo arimaha qoyska, kulamadan ayaa waxa isaguna kala qayb galay Xoghayaha Guud ee golaha Wakiilladda JSL Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

 

Kulankan ayuu guroomiyuhu uga xog waramay xaalada guud ee dalka, dimuqraadiyada, adkaynta xidhiidhka labada dawladood.

 

Kulamadan oo labada dhinacba si wanaagsan ugu kala xog qaateen ayaa ku soo geba geboobay is faham guud iyo sii xoojinta xidhiidhka labada dawladood.