Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Booqdey safaaradda Somaliland ee KENYA. 

0
56

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Booqdey safaaradda Somaliland ee KENYA.

 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mustafe Maxamuud Cali Bille oo safar shaqo ku jooga Dalka KENYA, ayaa booqdey safaaradda Somaliland ku leedahay Caasimadda Dalkaasi ee Nayroobi.

 

Masuuliyiinta sare sare ee Safaaradda oo kala ah Safiirka, Maxamed Barawaani, Safiir ku-xigeenka Sharmaarke Geelle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Safaarada ayaa halkaas ku qaabiley Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud.

Wasiirka ayaa Masuuliyiinta Safaarada ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan iib-geynta Qadiyadda Qarannimada Somaliland.

 

Dhinacooda, Madaxda Safaarada ayaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Mustafe Maxamuud Cali Bille uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Safaarada Somaliland ku leedahay Dalka Kenya, waxaaney sharaxaad buuxda ka siiyeen hawlaha shaqo ee Safaarada, waxaaney Wasiirka ka gudoomeen bogaadinta ku aaddan Horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya.