Sannadka 2023 ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay sannadkii ugu kululaa caalamka tan iyo markii la diiwaan-geliyay badhtamihii qarnigii 19-aad. 

0
37

Sannadka 2023 ayaa lagu dhawaaqay in uu yahay sannadkii ugu kululaa caalamka tan iyo markii la diiwaan-geliyay badhtamihii qarnigii 19-aad.

Diiwaanka heerkulkan ayaa la xaqiijiyay iyadoo sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ka hadlayey shirka cimilada ee COP28 uu cambaareeyey waxqabad la’aanta isbadelka cimiladda oo uu arintaasi u dacal saaray.

 

Adeegga Isbeddelka Cimilada ee Midowga Yurub ee Copernicus (C3S) ayaa cadeeyey arbacadii in sanadkan uu noqon doono kan ugu kulul caalamka tan iyo markii la diiwaan geliyay qarnigii 19-aad, markii hore waxa kaalintaas ku jiray 2016.

 

C3S waxa ay sheegtay in aanay suurto-gal ahayn in uu isbadel yimaado ka hor dhammaadka bisha December.

 

Badhtamihii bishii aynu ka soo gudubnay ee November Wakaaladda Cimilada ee Maraykanka NOAA waxa ay sheegtay inay jirto 99 boqolkiiba suurto-galnimada ah in sannadku uu noqon doono kii ugu kululaa abid tan iyo 1850. Si kastaba ha ahaatee, wali mid ka mid ah hay’adaha ay khusayso diiwaankan si buuxda uma ay qaadanin.

 

Cabdicasiis Caydiid Yamani