Raysal Wasaare Xamse Oo TOOS Ugu Tegay Dadka Fatahaaduhu Sameeyeen

0
24

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Afmadow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,