“in dagaalka loo bedelo Budhcadnimo dhuljiifnimo ah Gobanimo maaha” WQ. Boqor Cismaan Buurmadaw

0
50

“in dagaalka loo bedelo Budhcadnimo dhuljiifnimo ah Gobanimo maaha”

 

WQ. Boqor Cismaan Buurmada

 

“In dad shacab ah jid gooyo loogalo lana dhaco Hantidooda maaha dhaqan Ragganimo iyo mid Islaamnimo raggu marka ay dagaalka kuwada jiraan qaladku waa dhici karaa sida wixii Buqdharkayn iyo Boodhlay kadhacay oo qalad ahaa lakiin in dagaalka loo bedelo Budhcadnimo dhuljiifnimo ah Gobanimo maaha waliba dadkaasi waa dadkii dhulka iyo Dawladnimadu inaga dhaxaysay waana dad reer Ceerigaabo ah oo Ehel iyo walaalo layahay waxaan arkaayay dad u dabaal degaya in Hanti shacab oaboobo lana dhaco arinkaa waanu ka garaabayna ka beel ahaan waliba Xaal iyo Raali gelin ayaanu ka bixinaynaa sidoo kale wixii halkaa khasaare kadhashay waanu bixinaynaa oo gaadhigaasi ugu horeeyo Salaadiinta reerka Xildhibaanada cuqaasha iyo Ganacsadata waxaan ugu baaqaya inay dhankooda ka garaabaan Gaadhiga lagu dhacay aagga Burco ee Qorilugud lageeyay

 

Waxaan dareemaya inay Dawladnimadi meesha kasii baxayso oo xaalado ammaan xumo Alah laga soo sheegayo gobolada intii inoo fayoobayd ilaahay waxaan inoo waydiinaya ammni iyo xasillooni taam ah “