“Dhibta koowaad ee Somaliland ka jirtaa waa hoggaan xumo, xukuumadda joogtana wakhtigeedii waa uu dhammaaday” G. Xirsi

0
59

“Dhibta koowaad ee Somaliland ka jirtaa waa hoggaan xumo, xukuumadda joogtana wakhtigeedii waa uu dhammaaday” G. Xirsi

“Somaliland rabitaanka dadkeeda ayay ku timid, mana ay gaadhin meel ay ku kala tashato ama ku kala dhaqaado!”

 

Farxad ayay ii ahayd in aan la kulmay qaar ka mid ah mudakarka, aqoonyahanka iyo waxgaradka reer Awdal ee deggan carrigan Ingiriiska. Dareen wanaagsan iyo aragti isku mid ah oo kal furan ayaannu ku wada qaadannay wakhtigii kulankayaga. Reer Awdal Somaliland marti kuma aha ee iyaga ayaa bud-dhige u ah, gurigooda oo ah xarunta Boorama ayaa lagu soo dhisay, calanka Somalilandna iyaga ayaa sameeyay oo waa kii Xasan Sh. Muumin AHUN hindisay.

 

Somaliland wixii u qabsoomay iyo wixii ka khaldamayba reer Awdal (Gadabiirsi) qayb ayay ka ahaayeen oo 33-kii sannadood ee ay jirtay siddeedna waa ay hoggaaminayeen oo Madaxweyne ayay ka ahaayeen, inta kalana kursiga labaad ee dalka looga taliyo ayay joogeen, tabashadooduna saamiga iyo sed-qaybsiga ayay ku wajahnayd ee jiritaanka Somaliland iyo dawladnimadeeda su’aali kama taagnayn! Somaliland rabitaanka dadkeeda ay reer Awdal ka midka yihiin ayay ku timid mana gaadhin meel ay ku kala tashato ama ku kala tagto ee sahwiga iyo si xun u sheegga ha laga daayo.

 

Dhibta koowaad ee Somaliland ka jirtaa waa hoggaan xumo, xukuumadda joogtana wakhtigeedii waa uu dhammaaday ee in aynnu si dimuqraadi ah ku beddelno, ka dibna uu hoggaanka cusubi talo loo dhan yahay dadka Somaliland isugu yeedho, wixii khaldan iyo wixii la tabanayo ba miiska wadahadalka la isugu yimaaddo ayaa inoo ballan ah, insha allaah.

Isbeddel Khayr leh oo dalka iyo dadkuba mahadiyo ayaynnu gaadhi ee aan isu sabirro.