𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗟𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗮𝘆 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮

0
54

𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗟𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗮𝘆 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗗𝗮𝗹𝗸.

𝗛𝗔𝗥𝗚𝗘𝗬𝗦𝗔 – Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan ballaadhan qasriga Madaxtooyada kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha ee dalka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi la xidhiidha hawlaha baaxadda leh ee ay agaasimeyaashu Qaranka u hayaan iyo sii dardargelinta shaqooyinka agaasimeyaasha guud, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii laban-laabi lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay agaasimeyaasha guud qaranka iyo bulshadaba u hayaan.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu agaasimeyaasha guud ku boggaadiyey hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay u yihiin mishiinka dhaqaajiya dhammaanba hawlaha ka dhex socda hay’adaha ay masuuliyiintani ka socdaan.