Hogaamiyaha Shiicada Ciraaq Oo Waddamada Islaamka Ku Eedeey Ka Gaabinta Falastiin

0
32

DEG DEG: Hoggaamiyaha Shiicada Ciraaq,Muqtada al-Sadr ayaa ku dhaleeceeyay hoggaamiyayaasha Carabta inay ku guuldareysteen inay si waafi ah u taageeraan dadka reer Falastiin, isagoo ku tilmaamay “ceeb iyo bahdil”.

 

Shir jaraa’id oo uu qabtay, wuxuu intaas ku daray “waxaanu diyaar u nahay inaan gaarsiinno cunto iyo biyo Qaza oo aan sii marinno Masar, Suuriya ama meelo kale” wuxuuna ugu baaqay dawladaha Carabta inay xaqiijiyaan sahayda korontada iyo biyaha.

 

โ€œDhammaan dalalka waxay ku degdegeen inay taageeraan Ukraine. Waa maxay sababta aad sidaas oo kale ugu samayn wayday Qaza? ayuu is waydiiyay!

 

Intaa waxaa dheer, al-Sadr wuxuu si gaar ah u tilmaamay dawladaha Carabta ee caadi ka dhigay xiriirka Israaโ€™iil, isagoo sheegay “wax faa’iido ah ma yeelan doonto”.