Madaxtooyada Ugaanda Oo Sheegtay In Somaliland Dalab U Gudbisay

0
53

Dowladda Yugaandha ayaa si rasmiya uga hadashay kulankii aqalka madaxtooyada ee dalka Yugaandha ku dhexmaray madaxweynaha Yugaandha Yuweeri Musafani iyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ergayga gaarka ah ee Somaliland.

 

Dr. Jaamac Muuse waxa uu Yuweeri gaadhsiiyay dalab la xidhiidha in uu qayb ka noqdo wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo salka ku hayay Somaliland mowqifkeeda gooni isu taaga ah, kaas oo Somaliland ku doonaysay inay Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqoto si waafaqsan xuduudihii gumeystaha labada dhinac ee 1960-kii.

 

Madaxweyne Musafeni ayaa lagu casuumay in uu dhex dhexaad ka yahay ururinta wada hadalada iyo in la ixtiraamo natiijada ka soo baxda, waxana warbixintaasi lagu xusay in Yugaandha kaalin muuqata ka qaadatay horumarinta nabada iyo abniga Soomaaliya.

 

Dr. Jaamac waxa uu xaqiijiyay in Somaliland doonayso ku biirto horumarka socda, ee dalalka bariga Afrika, ee loo soo gaabiyo EAC, waxaanu ka codsaday madaxweynaha Yugaandha Yuweeri Musafeni in uu ka taageero arrintaasi,