Murashax Cirro Oo Siyaasiyiin Culus Hargeysa Kulan Kula Yeeshay

0
144

Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Caasimadda Hargeysa ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay hotel-ka Maansoor Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Murashaxa ayaa waxaa casho sharafta ku wehelinayey mas’uuliyiinta sarsare ee Xisbiga WADDANI.

 

Murashaxa ayaa dhawaan uun ku soo noqday Gobolka Togdheer halkaas oo uu Maktabad bil ku dhow u fadhiyey shaqada iyo nabadda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.