Somaliland iyo Bisha Cas oo Ka Shiray Maxaabiista Laascaanodo 

0
89

Somaliland iyo Bisha Cas oo Ka Shiray Maxaabiista Laascaanodo

Hargeysa SL-P Arbaca 20 September 2023.

 

Gudidda Garsoorka, Cadaalada, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha Golaha Wakiiladda JSL ayaa maanta Kulan la yeeshay Madaxda sare oo ka socday Ha’ayadda Bisha Cas (ICRC) kulankan oo uu shirgudoominayay kusimaha Gudoomiyaha Gudidda Md. Fuad Axmed Diire isla markaana ay joogeen xubnaha gudida ayaa Waftiga ka Xogwaraystay shaqada haayadda iyo Xaalada maxaabiista dagaalki laascaanod lagu qabtay iyo dadaaladii ay ka galeen,

 

Dhinaca kale gudidu waxay war bixin ka siiyeen shaqada gudida iyo kormeero ay ku soo mareen xabsiyada dalka iyo baahiyhii ay ku soo arkeen sidii wax looga qaban lahaa, maxaabiistaana gargaar loo gaadhsiin lahaa