Jabhadda Gacan-libax Oo War Kasoo Saaray Baabuur Burco Laga Afduubay

0
83

“ Nimanka gaadhiga maanta Burco ka soo dhacay nama matalaan , waa niman lacag la soo siiyey , Baabuurka ay soo qaadeen-na iyaga ayay u talaa halkii ay geynayaan .

 

Galabta ayaanu warbaahinta la hadli doona oo Suldaan Cado Gude iyo Gudida Garxajis waxaan ku wareejinayaa dhamaan ciidankii hadhsanaa taladii iyaga ayaan gacanta u galinayaa halkii ay ugu taliyaana way marayaan , kii talada Guddida Garxajis diidaa isaga ayaa cirka roob ku og .

 

Inamadaas maanta Burco falkaas foosha xun ka sameyey-na guddida Garxajis ayay u talaa talaabada ay ka qadayaan …”

 

Warbaainta waxaa sidaas iminka u sheegay Taliye ku xigeenka Jabhada Gacan Libaax Cawil Faarax Dalmar