War Kasoo Baxay Guddidii Is Waafajinya Ee Golaha Wakiilada

0
100

War Kasoo Baxay Guddidii Is Waafajinya Ee Golaha Wakiilada

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada JSL oo Wali ku guda jira hawlihii shaqo ay gacanta ku hayeen ka dib markii Todobaadkii la soo dhaafay ay soo gabo-gabeeyeen 16 kulan wada-tashi oo ay 16 hay’addood kala duwan la yeeshen, ayaa Maalintii Sabtida 16 September guda-galay wajigii labaad qorsha-hawleedkooda oo ah falanqaynta iyo naaqishida xeerarka oo ku salaynayaan waxyaabihii uga soo baxay kulamadii hay’addihii ay la kulmeen.

 

Fadhiyadii Sabtidii, Axadii iyo maanta oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxay bilaabeen iskugurka, naaqishida iyo ka doodidda Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011.

 

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo kulankii maanta Guddida kala qayb-galay ayaa Gudidda ku amaanay sida xil-kasnimada leh ee ay hadh iyo habeen u shaqaynayaan, wuxuuna ugu duceeyay in hawsha Illaahay u fududweyo, isagoo ugu dambeyn ku boorayay inay hawsha dedejiyaan oo sida ugu dhakhso badan Golewaynaha ugu soo celiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.

 

Hadaba, Gudiddu waxay Fadhiyadii Sabtidii iyo Axadii ka dooddeen Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer Lr. 91/2020 iyagoo falanqayntooda ku salaynaya wixii uga soo baxay kulamadii wada-tash. halka Fadhigii saakana guda-galeen Xeerka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer Lr. 14/2011, Xeerarkaas oo gabo-gabo ku dhaw Waxa u qorshaysan inay fadhiyada soo socda ay soo gabo-gabeeyaan hawsha Xeerarkaas oo ay saxal tireen، wixii gal-daloolooyin ku jirayna ka saxay, isla markaana waafajiyeen oo ay ku saleeyeen baahiyaha doorasho ee taagan si doorashooyin hufan oo wanaagsan inoogu dhacaan.