Dab xoogan Oo Khasaare Geysatay Ayaa Ka Kacay Suuqa Ganacsiga Wajaale

0
126

Waxa wali sii fidaya dabka ka kacay suuqa ganacsi ee Wajaale.

 

Dad badan ayaa isku dayaya in ay hollaca isku qaadaan, si ay meheradohooda gubanaya wax ugalasoo dhex baxaan.

 

Ciidamada dabdamiska oo dhinacna dabka ka bakhtiinaya, ayay ugu biirtay in ay dadkana dib uga celiyaan si ay nafohooda u badbaadiyaan.

 

Daaha Cabdi Nuur oo agtaagan meherad ganacsi oo uu lahaa iyada gubanaysa ayaanu waxyar ka hor la hadalnay “ Walahi wax aan sameeyo garanmaayo, markii hore alaabta waxoogaa ayaan kasoo dhex gurey, balse hadda dabkii ayaaba wada qabsaday”

 

Ciidamada dabdamiska ee magaalda Wajaale iyo kuwa Hargeysa iyo Jigjiga oo usoo gurmaday ayaa illaa imika ku hawlan daminta dabkaas, sida ay noo sheegeen goobjooyaal dhowra oo aan la xidhiidhnay.

 

Waxa la qiyaasayaa boqol meheradood in ka badan in ay shuf-beeleen.

 

Wajaale oo ah halka uu yaalo dhaqaalaha ugu badan ee Somaliland, ayaa sidan caawa oo kale u gubatay dhamaadkii sannadkii 2017kii.

Sagaashan meheradood, oo konton ka mid ahi ahaayeen ganacsiyo waawayn ayaa baaba’ay waagaas.

 

Dadka ayaa aad isku waydiinaya sababta ay usoo badanayaan gubashada suuqyada ganacsi ee magaalooyinka Soomaalida, walise ma jirto baadhis la sameeyay oo si dhab ah uga jawaabaysa arrintaas.